Madaxweyne Xigeen Saylici Oo Furay Mashruuc IOM Somalia Ku Soo Celinayso Dadka Qurbaha Ku Caddilan
Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa magaalada Hargeysa ku daahfuray kulan lagu naaqishayo mashruuc dib loogu soo celinayo dadka reer Somaliland ee qurbaha ku dhibaataysan sidoo kalena cidda ajaanib ah ee Somaliland in laga celiyo doonaysa lagu taageerayo.
Mashruucan waxa maalgalintiisa leh Midawga Yurub waxaana fulintiisa leh hay’adda caalamiga ah ee IOM qaybteeda Soomaaliya. Hay’adda ayaa marka hore laga raba in ay keento macluumaadka dadka reer Somaliland ee doonaya in dalka lagu soo celiyo iyada oo marka la xaqiijiyo ee eheladooda lala kaashado la ogolaanayso soo celintooda.
Cabdikariin Xinif guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga ee Somaliland ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in qofka la soo celiyo iyada oo aan loo hayn wixii noloshiisa lagu dabari lahaa marka uu halkan yimaaddo.
Mashruucan ayaa u muuqda in Soomaaliya qayb ka tahay waxaanu sheegay in aanay dhallinyarada ku xanniban Liibiya kala tashanayn Soomaaliya “Dhalinyaradeena Tahriibtay ee Liibiya joogta kumaanu darin shuruudda ah in aanu ehelkooda la xidhiidhno. Iyagu haddii ay na yidhaahdan ‘na celiya’ bilaa shuruud ayaa lagu soo celinaya. Waxa kale oo aanu dadka Liibiya laga soo celinayo heshiis kula nahay IOM oo qoladii u horaysayna dhawaan imanaysa in aan Xamarna lagala macaamilin, Xamarna la gaynin, xataa Transit diyaaraddu ku soo marin,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Xinif.
Hadalka Mr Xinif ayaa laga dheehanaya in mashruucan hay’adda IOM la kaashanayso Soomaaliya iyada oo sidoo kale bogga Twitter-ka ee EU Somalia lagu daabacay in IOM Somalia fulinayso soo celinta muwaadiniintan.
Deputy President of Somaliland Hon. Abdirahman Abdullahi Ismael launched Reintegration Facility implemented by @IOM_Somalia today in Hargeisa. The project will provide assisted voluntary return support and facilitate reintegration. pic.twitter.com/gGPu2mDiJX
— EU Del in Somalia (@EU_in_Somalia) April 24, 2018
Madaxweyne Xigeen Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la soo celinayo loo sameeyo qorsho lagu taakulanayo muddada ay la qabsanayaan nolosha Somaliland maaddaama ay muddo moogganaayeen. Waxaanu mashruuca ku tilmaamay mid muhiim ah.