Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay In Dawladda Soomaaliya Shan Saacdood Ku Xannibtay Madaarka Hargeysa

0
3 views

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay shan saacadood ku xayirtay magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Xaaf oo ka soo dhoofay dalka isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka degay magaalada Hargeysa, isaga oo ka weecday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana halkaasi muddo ku xannibtay Soomaaliya.

‘’Saaka 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa, shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa leygu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagu gorgoriyay’’ sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Xaaf markii uu gaadhay magaalada Cadaado.
Qoraal ay aragtay shabakadda Sayruuq oo ka soo baxay waaxda wasaaradda duulista Soomaaliya ee saadaasha hawada ayaa maamulka diyaaradda siday Madaxweyne Xaaf ugu digtay in aanay magaalada Hargeysa uga duulin dhinaca Cadaado ama Gaalkacayo. Waaxda ayaa joojinta diyaaradda u cuskatay sababo la xidhiidha arrimo farsamo. Arrintan ayaa u muuqata in aanay ku lug lahayn Somaliland laakiin, diyaaradda looga digay in ay timaaddo Cadaado ama Gaalkacayo.
Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay madaxweyne Xaaf in dowladda federaalku fargalin ba’an ku heyso sida uu hadalka u dhigay maamulkiisa, arrintan ayuu ku wargeliyay shacabkiisa Galmudug oo uu ku boorriyay in ay ka digtoonaadan.
Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan taageeray xulufadda Sucuudigu hoggaamiyo, islamarkaana xidhiidhka u jaray dawladda Qadar, waxaanu ku gacan-saydhay go’aanka dhexdhexaadinimada ah ee Soomaaliya qaadatay. Xubno sare oo maamulkiisa ah ayaa ka soo horjeestay go’aankiisa waxaana muuqata in arrintani tahay xiisad cirka isku sii shareertay. Waxa xusid mudan in Mr Xaaf muddo kooban xilka hayay markii la riday madaxweynihii ka horeeyay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here