“Madaxweyne Umadda Midee,” Xasan Ciise Jaamac

0
383 views
Xasan Ciise Oo Qoraal Walaac Xambaarsan Soo Saaray

“Madaxweyne Umadda Midee,” Xasan Ciise Jaamac

Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac waxa uu maanta warbaahinta kula hadley hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa, waxaanu ka hadlay xaaladda dalku.marayo, dagaalka Tukaraq, colaadda Ceel-afweyn iyo arrimo kale wuxuuna fariin u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaridka.

Muj Xassan Ciise  waxaa uu ugu horeyn ka Hadley xaalada uu dalku marayo waxaana uu baaq u diray madaxweyne Muuse Biixi isaga oo u soo jeediyey in uu dadka mideeyo isla markaana uu dhayo xanaftii iyo nabaradii ka dhashey doorashadii madaxtooyada

” Madaxweyne waxaan ka xumahay in aanad  wali daweyn nabaradii doorashadii keentay waxaan ku leeyahay dadka midee madaxweyne , talada waad qaataa oo waan kugu ogaa hadii aad tahay Muusihii aan aqaanay ” ayuu yidhi Muj Xassan Ciise .

Sidoo kale Muj Xassan Ciise ayaa waxaa uu ka Hadley dagaalkii dhawaan labada beelood ku dhex maray deeganka Ceel Afweyn iyo xiisada magaalada Tuko-raq.

Xasan Ciise Jaamac Oo Muddo Dheer Kadib Saxaafadda Ka Soo Muuqday Kana Hadlay Doorashada Muuse Biixi

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.