Madaxweyne Trump Oo Safiir U Magacaabay Somalia

0
206 views
Madaxweyne Trump Oo Safiir U Magacaabay Somalia

Madaxweyne Trump Oo Safiir U Magacaabay Somalia

Washington(Sayruuq) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii iclaamiyay safiirkiisa Soomaaliya. Trump ayaa danjirihiisa Somalia u magacaabay Donald Yamamoto oo aqoon badan u leh Geeska Afrika.

Yamamoto ayaa hadda ah kaaliyaha Afrika ee waaxda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa uu hore u soo noqday safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya sanadihii 2006 ilaa 2009, waxa kale oo ahaa safiirkii Jabuuti sanadihii 2000 ilaa 2003.

 

Magacaabistu waxay imanaysa iyada oo waaxda arrimaha dibadda Maraykanku cusboonaysiisay digniinteeda socdaalka ee Soomaaliya 9-kii bishan, islamarkaana muwaadiniinteeda uga digtay in ay Somalia u socdaalan oo ay ku jirto Somaliland haliso ka dhan ah muwaadiniinteeda awgeed.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale kordhiyay faro gelintiisa Soomaaliya isaga oo fuliyo weerarro dhanka cirka ah iyo taageero ciidamada lugta ah.

Source: Trump announces ambassador picks for Somalia

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.