Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Askar Maraykan Ah Oo Somalia Lagu Laayay

0
779 views
Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Askar Maraykan Ah Oo Somalia Lagu Laayay

Madaxweyne Trump Oo Ka Hadlay Askar Maraykan Ah Oo Somalia Lagu Laayay

Kooxda al shabaab ayaa weerar ku dishay hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo maraykan ah, ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda al Shabaab. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah.

Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ayaa ku gudjiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay al Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in al shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa boggiisa Twitterka ku qoray farriin kooban oo uu ka hadlay askariga Maraykanka ah ee ku dhintay Soomaaliya “Dareenkayga iyo ducadayduba waxay la jiraan qoysaska askarigeena lagu dilay Soomaaliya iyo saaxiibadiisa lagu dhaawacay. Run ahaantii dhammaantood waxay ahaayeen halgameyaal,” Sidaas ayuu farriintiisa ku sheegay Madaxweyne Trump

Goobjoogayaasha aagga dagaalku ka dhacay ayaa intaasi ku daray in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay qaaday dhaawaca.

Bishii May ayaa hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askraigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Somaaliya tan iyo sanadkii 1993kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Kooxda al shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xidhdiidh ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

Source: Sayruuq/VOA

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.