Madaxweyne Silanyo Oo Ka Qayb Galay Xaflad Loo Sameeyay 790 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Golis

0
46 views

Hargeysa(Sayruuq)-Munaasibad aad u balaadhan oo loo sameeyey 740-arday oo ka qalin jabiyey Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Golis ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada,guddoomiyaha Jaamacada Golis Pro:Siciid Axmed Xasan,Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida,Madaxdhaqameed,Waalidiin,Ardayda ka qalin jabinaysay Jaamacada Golis iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ay hormuudka Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Golis ay ka warbixiyeen tirada arday ka qalinjabisay Kuliyad walba iyo siyaabihii kala duwanaa ee ay wax u soo kala barteen.
Guddoomiyaha Jaamacada Golisa Pro:Siciid Axmed Xasan oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu si faah faahsan ay uga xogwaramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacada Golis ay soo martay,waxaana uu daboolka ka qaaday in difcadii 10-naad ee sanadkan ay ka qalin jabiyeen 740-arday.
“Jaamacada Goliskii markii hore wax yar ayaa ay ahayd qalin jabintii ugu horeysay waxaa ay ku bilaaban tay 80-Arday oo 40-Engineero ah iyo 40-Police-ka ah maantana mudane madaxweyne 800-ayaa qalin jabiyey 10-jeer ayaa ay ardayda qalin jabisay Laban laaban tay intii ay Jaamacadu jirtay oo ah 9-Sanadood oo ay maanta 9-jirsatay,oo waxaa ka markhaati ah Cabdilaahi Jawaan oo markii ugu horeysay iyada oo loogu talagalay dugsi farsamada gacanta ah igu yidhi Jaamacad ka dhig,markaa Jaamacadii halkaa ka soo bilaabantay maanta waxaa ay maraysaa 10-Kuliyadood oo waliba aanu Kuliyad cusub hada ku soo kordhinay oo ah kuliyada Barashada Saxaafada oo ay iska kaashanayaan Golis iyo Indiaano University,Ardayda Maanta qalin jabinaysaa waa 790-arday,dhawaan waxaa ay 150-ka qalinjabinayaan faraca Burco,Barbera-na waa ka qalin jabinaaya dhawaan 50-arday, marka laysku darano sidaas waxaa ay kunoqotay 990-arday,runtiina 10-arday oo qudha ayaa ka dhiman sanadkan inta ka qalin jabinaysa Jaamcadaha Golis”Ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacada Golis
Maayarka Caasimada Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Soltelco oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay qayb kamid ah ardayda caafimaadka ay ka shaqaalaysiin doonan Dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa.
“Marka hore waan u hambalyeynayaa ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacada Golis iyo waalidiintii la soo dadaashayba,marka maanta waxaan filayaa waxaa inagu cusub Kuliyada Caafimaadka dadka(Public Health-ka),caafimaadkaasina muhiim ayaa uu ka yahay dawladaha Hoose waxaanan ka balan qaadayaa in aan ardayda Public Health-ka aan qayb ka qaadan doono”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Soltelco
Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi Waraabe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo ducaba u soo jeediyey arday Jaamacada ka qalibisay,waxaana uu sida oo kale uu kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan sii korodhsiga aqoonta,samirna u yeeshaan hadii ay shaqo la’aani ay la’kulmaan.
“Dhalinyarada maanta xafladan leh ee u sabirtay Tacliinta iyo waalidka intaas ka soo shaqaynaayey iyo waliba macalimiinta ku tabcay ee busaaradii u xamilay ee marxalada wanaagsan maanta maraaya Illaahay waxaan idiin ka baryeynaa in uu darajadiina uu kor u qaado,waxaan leeyahay sidaas aad ugu sabirteen Tacliinta tii ugu horeysay cagta ha ka qaadina,waayo tacliinta waxaa u horeeya Sabirka Kolka aad ka soo baxdaba haddaad shaqo waydo in aad u sabirtaa waa waxaad wax u baranayso illayn waxii aad baratay laabta ayaa ay kuugu jiraane”Ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe
Waxaa isna sida oo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalilnad Md:Cali Maxamed Waran Cadde”waxaan leeyahay Maansha Allah Shalay(Doraad)waxaanu aragnay wax la yaab leh oo Jaamacad halkan ka qalin jabinaysay oo aanu la joognay oo Somalidu waxaa ay tidhaahdaa haadba haad kici maantana waxaanu aragnay Layaabka la yaabkiisii Illaahaybaana mahadleh quruxda iyo qiimaha ka muuqata madashan,mar labaadka waxaa mahadleh bulshada reer Somaliland haday tahay qarankooda iyo shacabkiisaba isku duubnaanta midnimada iyo nabad galyada ay maalin iyo habeenba ay u soo jeedaan,Isku kalsoonida iyo kala danbaynta wadankeena ka muuqata ay maanta keentay quruxdaa muuqata ee ina horfadhida ee shalay ina hor fadhiday maalin wal oo kalena ina horfadhiyi doonta ayaa ay noqotay natiijadeedii”Ayuu yidhi Cali Waran Cadde.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Marwo:Samsam Cabdi Aadan oo iyadun halkaasi ka hadashay aya dhankeeda waxaa ay si balaadhan ay hambalyo iyo bogaadin ay ugu dirtay dhamaanba arday ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa.
“Illaahaybaa khayrkaas ina siiyey waana waxyaabaha Illaahay loogu mahad naqo in aynu maanta dalkeenii oo nabad ah aynu madaxweynihii iyo ardaydii iyo macalimiintiiba iyo dhamaanba waxgaradkii Somaliland in ay halkaas wada fadhiyaan,waxaan jeclahay in ay ardayda maanta halkan fadhidaa ay ku fekeraan oo hawlo badan ayaa sugaaya oo waxa weeye inay iska Illaaban qabiilka oo ay ku abtirsadaan Magaca Somaliland,oo ay ka baxaan qabiilka iyo waxa hoos u reebaya iyo guud ahaanba waxa waxyeelaya kor u kacooda waanan u hambalyeynaayaa dadaalka ay soo sameeyeen”Wasiir Samsam Cabdi Aadan. Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana uu sheegay in ka qaran ahaan ay ku faanayaan heerka ay ardaydu ka gaadheen kor u kaca waxbarashada. “Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiyaha Jaamacada Golis Pro:Saciid Axmed Xasan iyo Shirkada Nation Link doorka ay ka qayb qaadatay Isgaadhsiinta dalka,waxaanan jecelahay in aan maanta halkan uga mahadnaqo arday halkan ka qalin jabinaysa Jaamacad Golis ee faraha badan leh oo aanu hambalyo iyo bogaadin badan aanu u soo jeedinayno iyaga iyo macalimiintoodii iyo shaqaalahoodii kale intaba,waxaan idiin sheegay in in umad ahaan iyo shacbi ahaanba in aanu ku faanayno waxqabashada iyo heerka ay dhalinyarada iyo jaamacadahu ay gaadhaan ee ay dunida kaga tirsan yihiin iyo magaca iyo sharafta ay dadka iyo dalkaba u soo hoynayaan aad iyo aad ayaanan ugu faanaynaa,waxaan leenahay hambalyo aad iyo aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaantood”Ayuu yidhi Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo uu gabagabadii halkaasi ku shahaado sharaf ku gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay dhibcahii Imtixaanadka Jaamcada Golis

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.