Madaxweyne Silaanyo Oo Shirar kala Duwan la yeeshay Ururada Bulshada (civil society) iyo Bahda Waxbarashada.

0
3 views

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la yeeshay Ururada Bulshada Iyo Bahda Waxbarasha ,shirarkaasi kala duwan oo maanta ka socday qasriga madaxtooyada gaar ahaan Hoolka weyne ee galaha wasiirada waxa ujeedadiisu ahayd sidii laysuna meel dhigi lahaa waxna looga ogaan lahaa qaabka Diwaangelintu u dhacayso iyada oo Gudidada Farsamada ee Diwaangelinta iyo Shirkada Sahan ee ku guulaysatay Diwaangelinta Muwaadinkuba ay goob-joog ka ahaayeen shirarkan kuna soo bandhigeen qaabka iyo habka uu u shaqan doono Agabkani.

urarada bulshada

Waxaana isla Goobtaasi lagu diwaangeliyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali maxamed Warancade oo isagu noqday Shaqsigii ugu horeeyey ee maanta isu diwaangeliya Diwaan-gelinta muwaadinka ama qaata Kaadhka Aqoonsiga muwaadinka sidoo kalena waxa ku xigay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamed Muuse Abees oo isna qofka labaad noqday ee qaata kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Somalilander ka ah.

Kulanka oo ay ka cadhoodeen Hogaamiyaasha Axsaabta Mucaaridka Somaliland oo iyaguna maanta balan lalaahaa Madaxweynha balse Dib u baaqatay kuwaaso Gudomiyaasha Mucaaridku si adag uga cadhoodeen balanta aan sideedi loo fulin islamarkaana ay sheegayn in sabtida dib ugu dhacaday .

Isku soo wada duubo Diwaangalinta muwaadinka ayaa noqtay mid sida fiinta looga qeyliyey taaso ay asxaabta mucaaridka ahina ku doodayaan in ay xukuumadda rabto iney ku marin habaaabisa Doorashadii Madaxtooayda Dalka .

Sayruuqnews

Hargeysa/Somaliland

News Desk

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here