Madaxweyne Siilaanyo Oo Beesha Uu Kasoo Jeedo Kulan Gaar ah Kula Qaatey London Maxey Kawada Hadleen?

0
98 views
????????????????????????????????????

London(Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),ayaa markii u horeysay safarkiisa xiligan kulan alabaabadu u xidhan yihiin kula qaatey Magaalada London xubno kooban oo laga soo martiqaadey ardaayada Beesha uu kasoo jeedo oo ay kawada hadaleen arimo khusuusi ah.

Kulankan oo ahaa mid noociisu ka duwanaa kulanadii hore ee bariidada iyo booqashada qurbajooga Beesha Madaxweyne Siilaanyo ugu iman jireen Madaxweynaha ayaa,la sheegay in ay arimaha kulankan albaabadu u xidhan yihiin ee xubnaha gaarka ahi kula kulmeen ay kaga wadahadalyaan arimo khusuusiga u ah talooyin ku wajahan mudo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha oo ka durugsan wakhtiga ay dalbadeen Xisbiyada Qaranku eek u ekaa lixda bilood.

Kulankan oo ay ka biyo
diideen qeybo badan oo kamid ahaa Qurba jooga toolmoonayaasha u ahaa Madaxweynaha ee kasoo jeeday beeshiisa oo intooda badan laga xanqarsadey,ayaa laga yaabaa in ay nuxurka kulankan gaadhsiin doonaan xubnaha ardaayada kaga qeyb galey kulankan Madaxweynuhu kula qaatey London.

Waxa kale oo ay xuseen wararka naga soo gaadhaya London in kulankan Madaxweyne Siilaanyo la qaatey odoyaasha kooban ee beeshiisa kasoo jeedaa uu ahaa mid laga sii shaqeeyay oo u qorsheysnaa safarkiisa haseyeeshee,ku kooban sidii loola qaadan lahaa mudo kordhin Madaxweynuhu ku dhameystiro arimaha qabyada ka ah heshiisyada ay Xukuumadiisu gashey wakhti xaadirkan oo uu kamid yahey Saldhigga Millatari ee Dawllada Imaaraadka laga siinayo Berbera.

Sikasta oo ay tahey kulankan Madaxweyne Siilaanyo kula qaatey odoyaal beeshiisa h London ayaa qurba jooga reer Somaliland ee dalka Britan ku sugani siweyn u hadalhayeen,iyadoo lagu wado in uu maalmahan kusii negaan doono halkaasi.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.