Madaxweyne Muuse Oo Dr Cabdiraxmaan Cirro U Jawaabay

0
145 views
Madaxweyne Biixi Oo Wajahaya Afar Kooxood Oo Mucaarad Ah

Madaxweyne Muuse Oo Dr Cabdiraxmaan Cirro U Jawaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan Boorama ka sheegay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ku saabsan in Waddani guulaystay laakiin, uu xaq dhawray amniga iyo qaranimada Somaliland. Madaxweynaha ayaa ku dooday in aanu waligii siyaasadda ku arag xisbi guul amaahiya xisbi kale.

“Cirro hadalkiisii Boorama wuxuu ka bilaabay, ‘Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, aniguse waxan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube hallla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanaan ka hadal oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay colaadda ka dhacday degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag oo uu sheegay in wax laga qaban doono “Waa masiibo qaran arrinta ka socota deegaanka Darar-weyne, xataa haddii la is dilona tudhaale ayaa jira, shaydaan baana ka adeegay oo wax aynu qaadan karno ma aha, dhammaanteenna weynu isugu tegaynaa oo miyirkaynu kusoo celinaynaa, waano, hadal iyo wacdina way dhaaftay oo waxba loolama hadhin, maantana ciidankii baa dhex jooga, dhaawaciina waa ka halkan yaalla ee aynu ka seexan la’nahay, waxana aanu go’aan ku gaadhnay inaanaan sii daynin ka dhaawac ah ee ladnaada , si aanu qori dib ugu qaadanin,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo dhawaan sheegay in aanay isku waji furnayn xisbiga Waddani waxa uu sheegay in uu Dr Cabdiraxmaan Cirro kala hadlay wax ka qabashada colaadda Ceelafweyn “Markii dagaalkii Dararweyne dhacay ciddii ugu horraysay ee aan telefoon u diray guddoomiye Cirro ayuu ahaaaa,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Madaxweynuhu maanta ka jeediyay munaasibad Hargeysa lagu qabtay.

 

“Waynu Guulaysanay Ee Kulmiye Waynu Yara Amaahinay,” Dr Cirro

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.