Madaxweyne Muuse Oo Difaacay Madaxweyne Geelle

0
249 views

Madaxweyne Muuse Oo Difaacay Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareysigii u horeeyay oo uu siiyay idaacadda VOA kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah dhismaha xukuumadda cusub ee Somaliland, xiisadda ka ooggan inta u dhexeysa Puntland iyo Somaliland iyo qodobbo kale.

Madaxweyne Muuse waxa uu difaacay xukumaddiisa oo uu sheegay in uu dhammaystiray islamarkaana aanay jirin jagooyin u hadhay oo uu magacaabayo. Dadka ayaa dhawrayay in uu sii wadayo magacaabista agaasimeyaasha, badhasaabada, taliyeyaasha ciidamada iyo madax kale oo ku jooga magacaabistii Siilaanyo kuwaas oo qaarkood aanay fahansanayn in la daayay iyo in laga qaadayo xilka laakiin, waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay sidaas xilka ku haynayaan.

Madaxweyne Muuse ayaa la waydiiyay sababta uu dalka Jabuuti uga dhigay kan ugu muhiimsan Somaliland ee uu socdaalkiisii u horeeyay ugu tagay waxaanu sheegay in ay ku timid kala horaynta casuumadaha. Waxa uu si adag u difaacay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo bulshada Somaliland u aragto in uu Somalia dhiso kana soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, waxaanu sheegay in aan la arag meel uu Mudan Geelle kaga hor yimid Somaliland.

Madaxweyne Muuse Oo Difaacay Madaxweyne Geelle

Madaxweyne Muuse oo la waydiiyay kala qaybsanaanta bulshada ee doorashadii Madaxtooyada ayaa sheegay in ay sunnaha dimuqraadiyadda tahay tartanku laakiin, ay tahay in marka la kala guulaysto ay arrintaasi dhammaato. Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in isaga iyo mucaaradku wada dhammeeyo wixii kala qaybsanaan ku yimid bulshada isaga oo tilmaamay in aanay xisbiga Waddani isku furfurnayn laakiin, uu rajaynayo in ay mar kale is arkaan.

 

“Anigu Jabuuti Ayaan Ku Koray..” Madaxweyne Muuse Biixi

“Muuse Biixi Nus Ahaan Waa Nin Jabuuti Ku Koray,” Madaxweyne Geelle

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.