Madaxweyne Muuse Oo Cafiyay Siyaasi Wasiir Ka Soo Noqday Somalia

0
1,250 views
Madaxweyne Muuse Oo Cafiyay Siyaasi Wasiir Ka Soo Noqday Somalia

Siyaasiga la cafiyay ayaa soo gaadhay Hargeysa

Madaxweyne Muuse Oo Cafiyay Siyaasi Wasiir Ka Soo Noqday Somalia

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu cafis u fidiyey wasiirkii arrimaha dibadda ee dawladda Somalia ee sanadihii 2010- 2012 Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland , kaas oo ka tanaasulay fikirkii Soomaali weyn ee uu hore u aaminsanaa.

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in siyaasigan oo ka soo jeeda qoyska caanka ah ee reer Cabdilaahi Oomaar uu shalay soo gaadhey magaalada Hargeysa , kadib markii madaxweyne Biixi aqbalay codsi uu soo qortey oo uu ku dalbadey in la cafiyo , kaas oo madaxweynuhuna u qoray cafiska uu dalka ku yimid .

Siyaasigan oo ah nin dhalinyaro ah waxaa uu wasiirka arrimaha dibadda uu noqdey dawladdii uu soo dhisay madaxweyne Sheekh Shariif markii dalka jabuuti loogu cumaamadey madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2010-kii , waxaana uu xilkaas hayey muddo ku siman laba sanadood .

Mr Oomaar ma noqonaayo siyaasigii ugu horeeyey ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tanaasula fikirka Soomaali weyn ee Burburtey , waxaana la filayaa in uu warbaahinta la hadlo oo u cadeeyo mawqifkiisa inta uu Hargeysa joogo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here