Madaxweyne Muuse Ma Shaqo La’aanta Iyo Mucaaradada Heerka Sare Ahayd Ayuu Baasiin Ku Sii Shubay?

0
51 views
Kumanaan qof oo imtixaan u galay 21 jago

Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada Somaliland waxay dhalinyar u aqoonsan tahay da’da u dhexaysa 15 jir ilaa 35 jir. 70% dadweynaha Somaliland waa da’da ka hoosaysa 30 jir. Dhalinyarada 40% waxay da’doodu u dhexaysa 15 jir ilaa 29 jir. Sidaas awgeed Somaliland ayaa ku jirta marxalad ay caqabad weyn kala kulmayso dhallinyarada oo haddaan la jahayn waxyeeli karta ammaanka qaranka.

Dhallinyarada Somaliland oo bulshada ka ah 70% waxay wajahayaan shaqo la’aan baahsan oo soo jirtay rubuc qarni waxaana lagu qiyaasay tirada shaqaysa 25%. 21 shaqaale ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu dhawaan qaadanaysay waxa codsaday in ku dhaw 3000 oo dhalinyaro ah kuwaas oo sita shahaado jaamacadeed arrintaasi oo loo arko in ay marag ka tahay heerka camal la’aanta ee dhalinyarada Somaliland.

Daraasad ay samaysay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland 2014 waxa lagu sheegay in bulshada Somaliland 65% bilaa shaqo yihiin. Dadkaas ayaa kala ah 50% dhalinyaro ah(30% hablo, 20% wiilal) iyo 15% dad waaweyn ah laakiin, Dalada dhalinyarada SONYO daraasad ay samaysay waxay ku sheegtay in dhalinyarada shaqo la’aanta ahi gaadhayso 70% ama ka badan.

Xukumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa laga filayay shaqo abuur iyo in ay mushahar u kordhin u samayso shaqaalaha dawladda laakiin, waxay muddo xileedkeeda ku ibo furtay in ay erido shaqaalaha aan joogtada ahayn iyada oo inka badan 100 qof hal mar shalay laga wada eryay Madaxtooyada sidaas oo kalena wasaaraddaha dawladdu samaynayaan in ay eryaan shaqaalaha aan joogtada ahayn ee la soo shaqaynayay muddada. Tallaabadan ayaa loo arka in boosaska loo bannaynayo dad la soo shaqeeyay xisbiga xilligii ololaha si la mid ah golaha wasiirrada oo laga reebay dadkii Siilaanyo la soo shaqeeyay haddii se ay shaqo dhimis noqoto waa mid xaaladda jirtay uga sii daraysa.

Sidoo kale hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa bilaabaysa olole baahsan oo lagu sheegay madax taabashada shaqaalaha taas oo lagu sifaynayo shaqaalaha lana filayo in ay galaafato cid kasta oo aan ku jirin diwaanka shaqaalaha dawladda, meeshana ka saarto in ay jirto cid laba meelood ka shaqaysa. Xukumaddii Siilaanyo ayaa ku faani jirtay shaqaalaha dawladda oo ay gaadhsiisay ilaa 16,000 laakiin, shaqo dhimista ay hawlaheeda ka bilawday xukumaddan cusub ayaa baasiin ku sii shubi karta shaqo la’aanta baahsan ee Somaliland ka taaggan oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee xukumaddu wajahayso.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoggaaminaya bulsho 45% mucaaradka u codaysay. muddooyinkii u dambeeyay waxa si weyn loo hadal hayay wasiirradii xukumaddii Siilaanyo iyo dad kale oo cod iyo cuud ba ku taageeray in ay degdeg mucaarad ugu noqon doonan markii ay iska dhex waayeen xukumadda uu soo dhisay. Sidoo kale shaqaalaha la dareeriyay ayaa la filaya in ay siyaasaddiisu u cuntami waydo. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici ayaa isna sheegay in dhammaan la taliyeyaashii Madaxweynaha iyo wasiirrada meesha laga saarayo kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo si qabyaalad ah loo qortay oo aan qaranka waxba ku kordhin jirin lana siin jiray mushahar sare.

Todobaadadii u horeeyay xukumadda Muuse waxa lagu war helay booliska oo dhalinyarada baacsanaya suuqyada Hargeysa, islamarkaana timaha ka xiiraya. Taliska booliska, wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo guddida wanaag farista ayaa sheegay in dhaqan xumada lala dagaallamayo.

Dhallinyarada oo u muuqda in timaha laga xiiraya iyo habkooda labisku qiimo weyn ugu fadhiyaan ayaa ka maagay garoomada ciyaaraha iyo goobaha waxbarashada iyaga oo ka dhuumanaya booliska. Arrintan ayay booliska iyo xukumadda Madaxweyne Muuse kala kulmeen dhalliil weyn oo dhalinyarada iyo bulshada badankeedu aragti taban ku qaabileen taas oo keentay in boolisku joojiyo hawgalka timo xiirista ahaa.

Tallaabooyinkan hordhaca u ah siyaasadda xukumadda  aan wali  dhammaystirman islamarkaana aan dhaqaaqin ee Madaxweyne Muuse ayaa u muuqda kuwo cirka ku sii shareerayo mucaaradada awalba sarraysay maaddaama aan waxba laga qaban kala qaybsanaantii ka dhalatay doorashadii Madaxtooyada. Madaxweyne Muuse ayaa lagu ammaanay in uu bedelay dhaqan bulshadu dhibsan jirtay oo ahaa soo dhawayn iyo jidad la xidho marka madaxweynuhu meel u baxayo waxaana indhaha lagu hayaa waxyaabaha taban iyo kuwa toga nee Madaxweynuhu qaadayo.

Sayruuqnews/ Falanqayn

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Xogaha: Daraasadihii u dambeeyay/ SONYO/ Wasaaradda shaqada

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here