Madaxweyne Muuse Iyo Dr Cirro Mid Kee Gardaran?

0
46 views
Madaxweyne Muuse Iyo Dr Cirro Mid Kee Gardaran?

Madaxweyne Muuse Iyo Dr Cirro Mid Kee Gardaran?

Todobaadkii tagay siyaasadda Somaliland ayaa la jawi noqotay xilligii ololihii doorashada kadib markii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha  Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro hadallo weerar iyo weerar celis ah isku dhaafsadeen warbaahinta.

Guddoomiye Cirro oo bilaabay ololihiisa mahadcelinta bulshadii codka siisay doorashadii 13 November ayaa Boorama ka sheegay in uu guulaystay laakiin, codkii Waddani la boobay sidaasna ay amniga iyo Qarannimada ugu tanaasuleen. Arrintaasi ayaa dhimbiil dab ah ku noqotay Madaxweyne Muuse oo u muuqda in aanu quluubta taageerayaasha Waddani wali kala wareegin Dr Cirro.

 

Arrinta kale ee la isku qabtay ayaa ah in Madaxweynuhu qofkii u horeeyay ee uu kala tashado colaadda Ceelafweyn ka dhigo Dr Cirro, halka Mudane Cirro ku dooday in masuuliyaddu madaxweynaha saaran tahay. Sababta Muuse sidaas u yeelay ayaa loo qaadan kara in uu bulshada dagaallamaysa qayb ahaan u arko taageerayaasha Waddani ama hayb ahaan ugu riixayo laakiin, masuuliyadda dhinacyada oo dhan saaran tahay madaxweynaha oo metela guud ahaan dalka iyo dadka cid u codaysay iyo cid ka codaysayba.

Dr Cirro ayaa ku dheggan in doorashadii Madaxtooyadu ahayd mid uu ku guulaystay laakiin, lagaga shubtay isna uu qarannimada xaq-dhawray. Arrintan ayuu Madaxweyne Muuse si weyn uga jawaabay laakiin, doorashadii Madaxtooyadu waa mid aan laga hayn sharaxaad dheeraad ah. Markii doorashada lagu dhawaaqay kadib Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sidii doorashadu u dhacday ku masaalay xarfaha Quraanka ee aan la macnayn sida suuradaha ku bilawda Alif-Laam-Miim.

Dadka naqdiya siyaasadda Cirro ayaa ku doodaya in hadalkiisu ka dhigan yahay in aanu aqbalin natiijadii doorashadii Madaxtooyada oo uu hore u sheegay in uu aqbalay inkasta oo lagaga shubtay. Halka Muuse lagu dhalliilayo in aanu wali bogsiin kala qaybsanaantii doorashada ee bulshada, islamarkaana aanu wali ficil iyo hadal midna ku dawayn bulshada 45% gaadhaysa ee mucaaradka u codaysay isaga oo ku doodaya in dimuqraadiyaddu dhigayso in haddii la kala guulaysto loo hoggaansamo cidda guulaysatay oo isaga ah.

Hadallada Madaxweyne Muuse iyo Dr Cirro ayaa bulshada xasuusinaya jawi u eeg ololihii ay kala hoggaaminayeen Kulmiye iyo Waddani laakiin, waxay u muuqata in ay bilaw u tahay mucaaradad adag oo dhex mari doonta Dr Cirro iyo Madaxweyne Muuse oo hoggaaminaya Qaran caqabado badan hor yaallan.

  1. “Waynu Guulaysanay Ee Kulmiye Waynu Yara Amaahinay,” Dr Cirro
  2. Madaxweyne Muuse Oo Dr Cabdiraxmaan Cirro U Jawaabay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.