Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xafiiltankii Soomaalida Iyo Oromada U Raraya Colaad Hor Leh Oo Dhexmarta Tigrayga & Soomaalida

0
508 views
Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Somaliland Ammaanay

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Xafiiltankii Soomaalida Iyo Oromada U Raraya Colaad Hor Leh Oo Dhexmarta Tigrayga & Soomaalida
Madaxweynaha Cusub Ee Gobolka Soomaalida Ayaa Sheegay In Ay Dhammaadeen Dharaarihii Dadkiisu Cabsida Itoobiya Uga Carari Jiray Fikradda Soomaaliweyn
Jigjiga(Sayruuq) Madaxweynaha Cusub ee gobolka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si dhiirran u difaacaya tallaabooyinka uu dib ugu soo celinayo calanka muujinaya shanti Soomaaliyeed, heesta astaanta u ahayd Soomaali weyn ee ‘Soomaaliyeey tooso’ iyo guud ahaanba astaamo muujinaya Soomaalinimo oo uu ka bilaabay waxqabadkiisa. Sida oo kale magaca gobolka ayuu qorsheeyay in uu bedelo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale dagaalkii gumaysi diidka ahaa ee ururka ONFL kula jiray Itoobiya u nisbeeyay in ay kaga soo horjeedeen xisbiga Qoomiyadda Tigrayga ee TPLF oo muddooyinkii u dambeeyay ka arrimin jiray dalka Itoobiya.

Madaxweynaha gobolka Soomaalida ayaa shalay magaalada Addis Ababa kula kulmay wefti sare oo jabhadda ONLF ah waxaana ka mid ah qodobada ka soo baxay mid dagaalkii ONFL kula jirtay xukumadda Itoobiya u gaar yeelaya Tigrayga oo u dhigan sidan “In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;” sidaas ayuu u dhigna 7 qodob oo ka soo baxay kulanka oo madaxweyne Mustafe Cagjar ku baahiyay boggiisa Facebook.

Qodobada lagu heshiiyay waxay xoogga saarayaan in madaxweyne Cagjar iyo ONLF isla qaateen in Jabhaddu siyaasaddeeda ka fuliso gobolka Soomaalida, islamarkaana maamulku fududeeyo wada hadal buuxa oo dhex mara xukumadda Itoobiya iyo ONLF. Waxa kale oo uu ballanqaaday doorashooyin gobolka ka qabsooma marka xilligan kala guurku dhammaado kaas oo la filayo in uu ku eekaado 2020.

Bedelaadda Calanka, Magaca iyo Heesta

Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mudane Mustafe Cagjar ayaa ballanqaadkiisii koobaad ka dhigay soo celinta astaamihii gobolka ee u taagna Soomaali weyn hase ahaatee dadka qaar siiba reer Itoobiya ayaa arrintaasi shaki ka muujiyay una arkay in ay taasi noolaynayso colaaddii Soomaalida iyo Itoobiya ee salka ku haysay in gobolku madax bannaani ka helo Itoobiya si shanta Soomaaliyeed loo helo.

Isaga oo arrintan ka jawaabaya waxa uu yidhi“ Way dhammaadeen Ayaamihii cabsi gelinta, dhibaataynta iyo baadidda Soomaalida si loogu khasbo in ay ka tagaan dhaqanka ay dhaxalka u leeyihiin iyo jinsiyaddooda oo ay ka guuraan sida ‘Soomaali weyn’ iyo halganka Soomaalida.”

Waxa uu intaasi ku daray in gumaystuhu soo saaro eray bixino uu dhibbanaha kaga dhigo dhib gayste “ Soomaaliweyn iyo halganka Soomaalida ayaa laga dhigay erayo sharci darro lagaga dhigo halganka Soomaalida ee dadka Soomaalida ah ee la cadaadiyay. Intaas ka badan naguma sii khasbi karaan in aanu ka cararno xididka Soomaalinimada” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

Waxa kale oo uu yidhi “Taariikhda, dhaqanka, bulshanimada, dhaqaalaha iyo xidhiidhka siyaasadeed ee aanu la leenahay jinsiyadda Soomaalida ee Geeska Afrika ku nool waa mid aanay cidna bedeli Karin ama cidna rajaynayn in ay bedesho. Sidaas awgeed ayaanu u haysanayna astaamaha Soomaalinimo si kasta oo uu u hadlo gumaystaha cadhaysani.”
Waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin wax iska hor keenaya sinjiyaddooda Soomaalinimo iyo muwaadinimadooda Itoobiyanimo.

Hadalladan dhiirranaanta leh ee madaxweynaha cusub ee gobolka Soomaalidu wuxuu imanaya iyada oo la filayo in maanta Baarlamaanka Gobolku meelmariyo magaca oo laga dhigayo Gobolka Soomaalida, Calanka oo lagu darayo xiddigta 5-ta gees ah ee calanka Soomaaliya, heesta calanka oo laga dhigayo ‘Soomaaliyeey tooso isku tiirsada’ iyo madaxweynaha la laftiisa oo la ansixinayo. Astaamahan ayaa u taaggan Soomaalinimadii shanta ahayd waxaana gobolka Soomaalida laga bedelay 2007.

Arrimahan ayaa u muuqda in xidhiidhka Soomaalida iyo Oromadu fiicnaanayo. Nidaamkii Cabdi Ilay ayaa lagu eedeeya in uu abuuray nacaybka Soomaalida iyo Oromada halka ay u muuqato in nidaamka cusub ee gobolka Soomaalidu dhibkii gobolka ka dhacay dusha ka saarayo gobolka Tigrayga taas oo keeni karta colaad hor leh oo Soomaalida iyo Qoomiyadda Tigrayga laga dhex beero.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.