Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Masuuliyiin Magacaabay

0
356 views
“Kor Baanu U Haynayna Soomaalinimada,” Madaxweyne Cagjar

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Masuuliyiin Magacaabay
Jig-jiga (Sayruuq)-Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa xilalkii ka qaaday Taliyeyaashii Ciidanka Liyuu Booliska, waxaanu magacaabay Taliye Cusub iyo saraakiil kale, wuxuu sidoo kale Madaxweyne Cagjar Magacaabay Duqa Magaalada Jigjiga iyo Wasiirka Madaxtooyaddiisa.
Mustafa Cagjar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka.

Taliyeyaasha Liyuu booliska.
1. Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyuu booliska.
2. Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyuu booliska.
3. Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyuu booliska.
4. Mukhtaar Sheikh Xuseen Amiin-Madaxa adeega Liyuu booliska.
5. Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyuu booliska.

Taliyeyaasha booliska caadiga.
1. Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.
2. Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.
3. Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyuu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta.

Jagooyinka dhanka maamulka
Khadar Jigree Aadaan, oo ahaan jiray ganacsada ka yimid dalka Mareykanka waxa loo magacaabau Wasiirkada Madaxtooyadda.
Garaad Cumar Dool Xirsi Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahooda uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.