Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey Xukuumadihii Kala Dambeeyey ee Soo Mara Dalka, Fariin Culus na u Direy Xukuumadda KULMIYE

0
346 views
“Sidii Ceel-Afweyn Loogu Gurmaday Labadan Beeloodna Ha Loogu Gurmado”

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey Xukuumadihii Kala Dambeeyey ee Soo Mara Dalka, Fariin Culus na u Direy Xukuumadda KULMIYE
Axmed Yuusuf Yaasiin, Waxa Sida oo Kale uu Shacabka ugu Baaqey in ay Isku Duubni Kaga Soo Horjeestaan Dagaalada Siyaasaddeed Ee Kaga Imanaya Dhanka Somalia.

Hargeysa(Waaberi):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa is-bar-bar dhig ku sameeyey Xukuumadihii kala dambeeyey ee soo mara Somaliland ee kala ahaa Xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur(AHUN), Xukuumaddii Cigaal(AHUN),Xukuumaddii Ra’yaale, Xukuumaddii Siilaanyo iyo Xukuumadda hadda haysa talada dalka ee Muuse Biixi, waxaana uu sheegay in siddii ay u kala horreeyeen Xukuumadahaasi ay u kala dhibbaato iyo duruufo ba badnaayeen sida oo kale na ay u soo kala qabteen hawlahii uu muhiimsanaa ee qaranka Somaliland.
Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo imika ka mid ah odeyaasha musdambeedka u ah qaranka Somaliland, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu ugu horreyn ka hadlay colaaddii dhawaan la soo af-jaray ee deegaanka Ceel-afweyn oo uu ka mid ahaa wax-garadkii iyo odeyaddii ka soo shaqeeyey dhex-dhexaadinta iyo nabadeynta labadaas beelood isaga oo Alle ka baryey in go’aamaddii ka soo baxay shirkii nabadeynta ee labadaas beelood ay noqdaan kuwo soo af-jara dhibbaataddii colaadeed ee u dhaxeysay beelaha Ceel-afweyn.

“Horta waxa halkaa loo tagay nabadeyn bay ahayd oo arrimi siyaasaddeed looma tagin, waxa loo tagay arrimo nabad-gelyo oo laba reer oo walaalo ah oo is dhalay iskuna ah abti ilmaabti, adeer, awoow oo waxaba isku ah ayaa dee halkaa isku dilay, halkaana waxa iskugu tegay xeer beegti iyo culimmaa-uddiin badan oo Somaliland oo dhan ka kooban bari illaa galbeed, Ilaahayna waxa aan ka rajeynayaa in arrinkaasi uu halkaa inaga ga dhammaado oo aanu dib u soo noqonin, beelahii walaalaha ahaa ee is dileyna ay sidoodii hore dib ugu soo noqdaan, waana midda aynu rajeynayno ee qof walba rajeynaayo, waayo waxa ay ahayd bar madow oo inagu taala, arrin muddo dheer soconeysay na in la soo gunnaanado na guul bay u tahay Somaliland.”. Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, waxa sida oo kale uu ka hadlay waxyaabihii uu ka shakhsi ahaan ku soo arkay deegaanaddaas Ceel-afweyn maadaama oo tan iyo wakhtigii Xukuumaddiisii UDUB aanu hore booqasho ugu tegin deegaanaddaasi isaga oo aad carrabka ugu dhuftay in jidka dhismaha ah ee wadada Ceerigaabo uu dhaqaale ahaan wax badan u soo kordhiyey dadka deegaankaasi, waxaana uu yidhi:-

“Haddii aan ka waramo gobalkaas wakhtigii aanay wadadu jirin in badan baan maray oo gobalku wuxu dhaqaalahiisu ku xidhnaa Boosaaso oo waxaan xasuus nahay wakhti aanu dooneynay in aanu dhaqaalihiisa halkan ku soo xidhno ayaan runtii oggaadey in uu ku xidhan yahay Boosaaso oo u dhow, sababta uu ugu xidhnaana ay ahayd waddo xumo awgeed, wadadu na siddeeda ba waxa ay qeyb weyn ka qaadataa kobaca dhaqaalaha gees walba. Markaa horta gobalka Sanaag marka Somaliland la eego waa gobalka ugu weyn, markaa waxa inaga ga maqnaa dhaqaale aad u fara badan oo ku shubmaayey xaggaas iyo Boosaaso , isbeddelada aan ku arkeyna waxa ka mid ah horta Ceel-afweyn illaa Ceerigaabo waa dhammaad wadadasi xaggii daamurka oo illaa 5KM wax aan ahayn baa ka hadhsan oo imika Ceel-afweyn illaa Ceerigaabo waxa aan filayaaba in aad saacad u soconeyso. Dhinaca kale na Ina-Afmadoobe illaa marka War-idaad loo dhaafo xaggaa Ceel-afweyna wadadu way iska haysataa, War-Idaad illaa Ceel-afweyna carro tuulku waa yaalaa, markaa runtii wadadaasi waxa ay qeyb weyn ka qaadatay kobicii dhaqaalaha in kasta oo reer Boosaaso na ay iyagu na ka soo bilaabeen xagga bariga oo ay badhan keeneen, garanayaana faa’idada ay wadadu u lee dahay oo og in dhaqaalahu ka jeesanaayo awgeed, markaa iyaga qudhoodu Badhan bay marinayaan, aduunku na waa dhaqaale oo dawladdu marka ay horumarayso waxa ay ku horumartaa waa dhaqaale, markaa waxa aan rajeynayaa in wadadaasi ay dhammeystiranto, weli ba waxa aan lee yahay in Ceerigaabo na laga sii qaado oo illaa badhan la wado.”.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu is bar-bar dhig ku sameeyey Xukuumadihii kala dambeeyey ee soo mara Somaliland isaga oo si gaara fariin ugu diray Xukuumadda KULMIYE ee hada haysa talada dalka, waxaana uu sheegay in maanta loogga fadhiyo in ay dalka u raadiyaan Ictiraaf si ay u dhammeystiranto dawladnimada Somaliland.
“Horta imika maamulka waxa aanu ka sii maqneyn muddo ku dhow siddeed sannadood, sideeda bana maamul ba maamulka uu ka sii horreeyey wuu ka dhib badnaa oo wuu ka hawl adkaa oo Tusaale ahaan haddii aad soo qaado wakhtiyaddii Siddeetamaadkii illaa 91kii, waxa lagu jiray dagaal wadanka lagu xorreynaayo, waxaana uu ahaa wakhtigii ugu dhibta badnaa ee ugu hawsha badnaa, rag badana inaga ga dhinteen, boqolaal sanno wixii innoo yaalayna ay ku baa ba’een, markaa wuxu ahaa wakhtigii ugu adkaa oo waxa aan qabaa wakhtigaasi wuxu ahaaa raggii soo maray in ay ahaayeen raggii ugu adkaa, sababtu tahay wuxu ahaa wakhti wadanka ba laga quustay, ciida ba laga quustay, waxa ba la ilaaway, markii la soo galayna raggii soo galayna waxa ay u soo galeen dhul baa ba’ay oo aanay waxba oolin, kuwaasi na waa ay ka sii hawl badnaayeen kuwii hore oo marka aad u timaado meel cidlo ah oo aanay waxba oolin, gawaadhi aanay oolin, isgaadhsiini aanay oolin, dhaqaalahu burbursan yahay oo kaabayaashu na burbursan yihiin waa ay ka sii xag jirtaa oo wakhtigasi wuxu ahaa wakhtigii Cabdiraxmaan Tuur. Waxa ku soo xigay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isagu na bilaabay aas aaskii dawladnimada ama haykalkii dawladnimada ba, haddey ciidan tahay, haddey baanan tahay iyo hadday tahay dhismaha dawladnimo oo dhan. Markaa waxa aan sheegayaa ee aan ka hadlayaa maamul ba maamulkii uu ka sii horreeyey wuu ka dhib badnaa. Maamulkayagii na(Wakhtigii Daahir Ra’yaale), waxa aanu nimi iyada oo markaa Distoorka loo coddeeyey oo wakhtigaa waxa aan ku jiray Baarlamaanka oo iyada oo markaa Distoorkii hore laga baxay oo mid ku meel-gaadh ah la sameeyey 2001-dii oo markaa loo coddeeyey Distoorka ayuu Cigaal geeriyoodey, markaa anagu waxa aanu hir-gelinnay wixii ka dhinnaa Cigaal oo u badnaa Axsaabtii iyo Doorashooyinkii ba oo illaa Afar Doorasho oo isbeddelo ah baanu wadanka ka qabanay, markaa marka aan lee yahay maamul ba maamulka uu ka sii horreeyey buu ka dhib badnaa dee wakhtigii Siilaanyo maamulkiisa waxa ay u yimaadeen haykal dhan oo dhisan oo taagan, markaa iyaga maamulkaa hore ee Siilaanyo iyo kan imika ee Muuse ba labadu ba waa KULMIYE, iyaga mid baa loogga fadhiyaa oo waxa laga sugayaa in ay wadanka Ictiraaf u keenaan, maaddaama haykalkii dawladnimo uu dhammeystiran yahay, waxa laga rabaa in dawladdu is dhammeystirto oo is kaamisho oo waxa inagu hadhay waa Ictiraaf, waana ta iyaga loogga fadhiyo maanta, taasi na waxa ay u baahan tahay dedaal badan.”.Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mar kale Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Dawladda Muuse ee hadda taaganna waxa aynu qiimeyn karnaa marka uu laba sannadood maamulka hayo, isagu maanta isagaa is qiimeynaaya oo waa sannadkii ugu horreeyey oo dawladdiisa haddii dheeli ku jiro waa in isagu isku dheeli tiraa, laakiin laba sannadood ka dib anaga ayaa u sheegayna oo odhaneyna sidaas ayey ahayd oo halkaas ayuu arrinku ka dheelisan yahay, nidaam walbaa na marka uu sannad joogo ayuu dib u eegaa waxa uu sameeyey in ay waxani u soconayaan in waxani ay ragaadan yihiin, markaa marka isagu is qiimeeyo labada sanno ee hore ayey siyaasiyintu na qiimeynayaan se haddii aan imika wax ka sheego waa deg-dag runtii, oo nin dhowr bilood meel hayey aan dhaliilo waa deg-dag in kasta oo iyagu ay inagu deg-dageen markoodii oo aanay kabaha noola bixin, laakiin ninku marka uu soo shaqeeyo ee uu meesha soo maro waxa uu garanayaa culeyska meesha yaala, nin aan ceelka gunta ka soo darinina war uma hayo, markaa markii hore ee iyagu ina dhaliilaayeen maanta ayey garanayaan marka ninku kursiga fuulo, markaa anigu kolleyba ama Siilaanyo ha ahaado ama kan ba ha ahaadee waan u duceeyaa uun anigu.”.
Ugu dambeyntii, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu fariin isku duubni ah uu diray shacabka Somaliland oo uu kala taliyey in ay ka midoobaan sida oo kale na ay dhibbaatooyinka siyaasaddeed ee kaga imanaaya dawladda Somaliya.
“Somaliya weli may gar waaqsan in aynu ahayn laba dawladdood oo isku tagay inta aanay taas garwaaqsanna arrinkeenu waa uu fog yahay, waayo waxa aan filayaa in ay iska indho saabayaan oo ay iska indho tirayaa sababtoo ah 1960kii dawladdii u horreysay ee Shantii Soomaaliyeed, calankaa ay imika haystaan ee Buluuga ah dee halkan baa laga taagay, shantaana nimanka calanka u taagay waxa ay ahaayeen Somaliland oo waxa ay u taageen oo ay dabada ku haysay meesha la yidhaa Reseef Eeriya(Reserve Aria) ee 1954ki looggu dhawaaqey in la siiyey Itoobiya, cadhadii iyo jibaddii ina qaadey berigaas ayaa keentay in aynu raadino Soomaaliweyn si aynu u soo dhicino dalkaa Itoobiya la siiye, markaa jibaddaa ina qaadey baa bad ina gelisay oo wax walba ina ilowsiisay oo aynaan waxba la qorinin oo dawladnimaddeenii aynu ku dhiibnay bilaa shuruud inaga oo raadineyna Soomaaliweyn. Markaa marka Somaliya gar-waaqsato in aynu ahayn laba dawladdood oo isku yimi, markaas uun buu hadal bilaabmi karaa laakiin inta aanay aqoonsaneyn in aynu nahay laba dawladdood oo isku yimi arrinkaasi waa mid fog, kolleyna iyagu waxa ay doonaan ba ha is yidhaahdaan laakiin inagu waxa aynu dib ugu noqoney halkii 26kii Juun 1960ki, markaa wax walba filo in nin ku leh anigaa kuu taliya adigu na aad lee dahay dawlad xora ayaan ahay dee dagaal filo iyo in siyaasiyan laguu la dagaalamo ba, laakiin adigu waa in aad lahaataa u diyaar garowgeeda oo Somaliland oo dhan u taala, waana in arrintaa guud ee qadiyadda laga wada midoobaa oo waa meelo hoose marka aynu maamul kala jiidaneyno iyo arrimo hoose ba.”.Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.