Madaxweyne Farmaajo Oo Telefoon Kula Hadlay Dr Abiy

0
629 views
Telefishanka Iiraan Oo Ka Faallooday Xiisadda Dekedda Berbera
Madaxweynaha Somalia iyo ra'isal wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo Oo Telefoon Kula Hadlay Dr Abiy

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Abiy Axmed Cali oo xilkaasi loo dhaariyay saaka. Waxa uu Mudane Farmaajo oo wax yar kadib dhaarta baarlamaanka la hadlay rajo fiican ka muujiyay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya in uu kor u kici doono.

“Telefoonka ayaan kula hadlay oo aan u hambalyeeyay Dr Abiy Axmed. Waxaan u xaqiijiyay sida ay iiga go’an tahay in xididada loo aaso, korna loo qaado ganacsiga, maalgashiga lana xoojiyo ammaanka gobolka,” Sidaas ayuu Mr Farmaajo ku sheegay qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Waxa uu sheegay in aanu wax shaki ah ka qabin in ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya kor u qaadi doono xidhiidhkiisa Soomaaliya “Shaki kama qabo in ra’isal wasaare Axmed heer cusub gaadhsiin doono xidhiidhkayaga,” Sidaas ayuu yidhi Farmaajo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.