Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabid Siyaasadaysan Sameeyay

0
797 views
Farmaajo Oo Jeedinaya Khudbad Indhaha Lagu Hayo

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabid Siyaasadaysan Sameeyay

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay guddoomiyihii gobolka Benaadir Mr Thaabit kadib markii guddoomiyuhu taageeray shir ay beelaha Muqdisho dega kaga arrinsanayaan meeqaamka Muqdisho oo ay doonayaan in maamul goboleed laga dhigo maaddaama dalku Federal yahay.

Arrimahan ayaa kor u qaaday xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho xilli madaxweynuhu socdaal ku jiray waxaana maalmihii u dambeeyay la arkayay iyada oo saxaafadda la isku dhaafsanayo taageerada shirkaasi iyo doodo ku saabsan cidda leh ka talinta aayaha meeqaamka Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo arrimahaasi hoos u dhigaya ayaa magacaabay maamulka Muqdisho isaga oo wasiirkiisa warfaafinta u magacaabay guddoomiyaha iyo duqa caasimadda.

  • Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
  • Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
  • Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;
  • Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
  • Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud
  • Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.