Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq & Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

0
269 views
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq & Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq & Wada Hadalka Somaliland Iyo Somalia

Muqdisho(Sayruuq) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda Tukaraq oo uu ku tilmaamay mid macno la’aan dad Soomaali ahi ugu dhimanayaan. Waxa kale oo uu sheegay in dib u bilaabayo wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dhawr goor oo hore ka hadlay xiisadda Tukaraq wuxuu ku celiyay baaqiisa nabadda “Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo dhiigga ku daadanaya Tukaraq wiil soomaaliyeed ayaa bilaa macne ugu dhimanaya hala Joojiyo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Farmaajo.

Waxa kale oo uu sheegay in ay ka go’an yihiin wada hadalladu “Somaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dawladdan diyaar waxay u tahay inay wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah oo xaqiiq ah loo wada fadhiisto Soomaaali ma kala maaranto waa dad walaalo…” ayuu yidhi Farmaajo oo ka hadlayay xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya.

Wada hadallada Somaliland iyo Somalia waxay socdeen intii u dhexaysay 2012 iyo 2015 waxaana dhacay ilaa 8 kulan oo heshiisyo aan fulin lagu gaadhay. Horraantii sanadkan ayaa la filayay in ay dib u bilawdaan laakiin, xiisadda Tukaraq ayaa baajisay kadib markii xiisadda labada dhinac cirka isku shareertay Somaliland-na sheegtay in aan jawigan lagu wada hadli Karin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.