Madaxweyne Cabdiwali Gaas Oo Madaxweyne Farmaajo U Diiday Dhagax Dhiga Waddo Badhan Imanaysa

0
362 views
Gaas iyo Farmaajo, Ceel Daahir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa shalay socdaal dheer ku maray jidka taga magaalo xeebeedda Boosaaso. Mudane Farmaajo ayaa damcay in uu dhagax dhigo waddada isku xidha degmada Ceel Daahir iyo Badhan laakiin, waxa arrintaasi diiday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Garowe Online waxa uu hoggaamiyaha Puntland ku sababeeyay diidmadiisa in ay dhagax dhiga Farmaajo ee jidkaasi fidmo dhex dhigayso Puntland iyo Somaliland, islamarkaana baasiin ku sii shubayso xiisadda hadda ka taagan Tukaraq oo ka dhalatay wasiirka Qorshayta Farmaajo oo Badhan yimid. Garowe Online ayaa intaas ku dartay in ay hayso xogo ku saabsan in aanu Mr Gaas raalli ka noqon wasiirka dhawaan yimid Badhan.

Isimo degaannada Badhan ka soo jeeda iyo ganacsato ayaa Madaxweyne Farmaajo kula kulmay degmada kuwaas oo u socday dhagax dhigga jidkaasi laakiin, Farmaajo waxa uu u sheegay in uu u hoggaansamayo Madaxweyne Gaas maaddaama uu socoto yahay sida ay xoguhu sheegayaan.

Xildhibaan Arrintan ka soo horjeestay ayaa sheegay in diidmada Gaas beesha caalamka u muujinayso in aaggaasi yahay mid lagu muransan yahay, islamarkaana loo arki karo in uu dhulkaasi yahay mid Somaliland leedahay.

Magaalada Tukaraq ee u dhexaysa Laascaanood iyo Garoowe ayay dhawaan ciidamada Somaliland la wareegeen kadib markii laga shakiyay in Madaxweyne Farmaajo socod dhulka ah ku soo galo degaannada Somaliland. Tukaraq oo hore u ahayd Kastamka Puntland waxa shalay gaadhay maamulka gobolka Sool ee Somaliland oo kormeer indho indhayn ah ku tagay iyada oo xaaladdiisu degan tahay.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.