Madaxweyne Biixi Soo Si Cadho Leh Uga Hadlay Dagaalka Tukaraq

0
1,375 views
Falanqayn: Sababaha Madaxweyne Biixi Isku Shaandhaynta U Samaynayo

Madaxweyne Biixi Soo Si Cadho Leh Uga Hadlay Dagaalka Tukaraq
Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Saylac ayaa waxaa uu ka Hadley dagaalka saaka ku dhex maray deeganka Tuko-raq cidamada Somaliland iyo kuwa Puntland .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland dhinac na iska difaaceyso dhinac-na ay ka dagaalameyso oo ay xuduudaheeda ay ilaashaneyso waxaana uu yidhi

” Somaliya saaka weerar bay inagu soo qaadey , dagaalkii hada wuu socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ba wuu jiraa , waana wax binu aadam nimada ka baxsan in bil ramadaan dad gurmad ku jira la soo weeraro .

Balse waxaanu u sheegaynaa Somaliland horumarkeeda waa ay daafaceysaa oo hore ayey u soconeysaa , Somaliland nabad u jeeda ee dagaal uma jeedo , Somaliland dhinac na wey iska difaaceysaa , dhinac na gurmadka ayey ka wadeysaa ” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here