Madaxweyne Biixi Oo Soo Celiyay Shaybaadhka Shidaalka

0
239 views
Madaxweyne Biixi Oo Soo Celiyay Shaybaadhka Shidaalka

Madaxweyne Biixi Oo Soo Celiyay Shaybaadhka Shidaalka
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray gacanta dawladda ku soo celiyay shaybaadhka Shidaalka ee Berbera oo xukumaddii hore siisay dad gaar ah. Waxa uu amray in maareeyaha Haamaha Shidaalka si rasmi ah loogu wareejiyo shaybaadhka, islamarkaana hay’addaha ay khusaysa ku sameeyaan qiimayn sida Hanti-dhawrka iyo wasaaraddaha Maaliyadda iyo ganacsiga.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in shidaalka dalku helo shaybaadh lagu hubiyo tayada shidaalka, islamarkaana heshiiska lagu bixiyay shaybaadhku ahaa mid aan ka turjumayn danta guud ee Qaranka iyo adeegga shaybaadhka.

Qodobadan ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtadiisa:-
1) In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

2) In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

3) In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

4) In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.