Madaxweyne Biixi Oo Si Qayaxan U Weeraray Qadar

0
436 views

Madaxweyne Biixi Oo Si Qayaxan U Weeraray Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo galinkii dambe ee Jimcaha saxaafadda caalamka iyo tan Carabtu su’aalo ku waydiinaysay Imaaraadka oo uu joogo waxa uu si qaawan u weeraray waddanka Qadar ee waddamada Khaliijku gadoomiyeen. Waxa uu sheegay in dalkaasi yahay cadowga heshiiska Shirkadda Dp World ee magaalada Berbera laakiin, aanu waxba ka qaadi Karin hirgelinta heshiiskaasi.

“Xidhiidhka Qadar iyo Somaliland, ugu horayn Somaliland waxay wakhti dheer xidhiidh la lahayd kaliya Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta isku xidhka badda awgeed. Sida la ogyahay Sucuudi Carabiya iyo Somaliland waxay isu jiraan 300Km marka laga eego Jidda iyo Berbera. Marka Khaliijka la yimaaddo dalalka u horeeya ee aanu kulano waa Cumaan kadibna Imaaraadka Carabta sidaas awgeed Ganacsatadayada iyo macaamilkayaga baddu waligood ma gaadhin Qadar maxa yeelay way naga fog tahay

“Haa way jiraan xogaa bulsho ah oo shaqaale ah ama ganacsatada naga joogto Qadar laakiin, aad bay u yar tahay marka la barbar dhigo Imaaraadka ama Sucuudiga, marka way joogan dad Soomaali ah Qadar laakiin, maaha ganacsato mana lihin iskaashi amni,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaasi raaciyay in aanay 20-kii sanno ee u dambeeyay yeelan wax xidhiidh ah Qadar marka laga reebo dad malcaamadaha iyo masaajidada dhisa oo Qadar ka yimaadda laakiin, aanay ganacsi badan la lahayn Somaliland.

Waxa uu madaxweynuhu si qayaxan u sheegay in Qadar ka soo horjeedo heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland “Way xannibayaan heshiiska Dp World ee Berbera. Sida cid walba ogtahay waxa jira khilaaf u dhexeeya waddamada Khaliijka gaar ahaan Qadar iyo Imaaraadka iyo Sucuudiga sidaas awgeed marka aanu isbarbar dhignay danahayaga iyo higsigayaga istaraatijiyadeed waxaanu go’aansanay in aanu taageerno Imaaraadka iyo Sucuudiga maxa yeelay dhaqaalahayaga iyo ganacsigayagu wuxuu ku xidhan yahay Sucuudiga iyo Imaaraadka. Dhammaan ganacsiyagu waa Dubai 100%, dhammaan maalgashigayagu waa Dubai ma jiro ganacsade kaliya oo Qadar jooga waanay jiraan dad halkaas joogo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxaanu intaasi raaciyay “Qadar waxay ka soo horjeeda heshiiska Dp World ee Berbera laakiin, kuma laha saamayn, anagana saamayn naguma laha. Way naga soo horjeedaan laakiin, naguma laha saamayn,, nama weerari karaan, dadkayagana ma faro gelin karaan, marka waanu ogsoonahay taas in ay yihiin cadawga heshiiskan.”

Geesta kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in uu damaanad qaadayo hirgelinta heshiisyada Imaaraadku la galay Somaliland, islamarkaana aanay Soomaaliya iyo qayrkeed toona hor istaagi Karin. Waxa uu sheegay in hadallada iyo go’aammada baarlamaanka Soomaaliya u muuqdan kuwo iska kaftan ah laakiin, aan wax saamayn ah ku lahayn Somaliland iyo heshiisyada ay galayso.

Hoggaanka Dp World ayaa dhawaan sheegay in aanay walaac ka qabin go’aammada Soomaaliya, islamarkaana ay fulin doonan heshiisyada Berbera, iyaga oo mashaariicda bilaabi doono dabayaaqada sannadkan ilaa bilawga Sannadka dambe.

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here