Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In UAE Tababarayso Ciidamada Somaliland

0
610 views
Madaxweyne Biixi Ma Ka Yeeli Doona Itoobiya In Ciidamada Laga Soo Celiyo Tukaraq?
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In UAE Tababarayso Ciidamada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Imaaaraadka Carabta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dawladda Imaaraadku tababari doonto ciidamada Qaranka ee Somaliland. Waxa uu sheegay in heshiiskan oo qayb ka ah Saldhigga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadku dhammaystirmi doono dhawaan, islamarkaana ciidamada Militariga iyo Booliska ay tababari doonto dawladda UAE.

Madaxweyne Biixi waraysigan uu Khamiistii bixiyay waxa uu ku sheegay in Imaaraadku hayo dhaqaale iyo aqoon ku saabsan tababarka ciidamada. Waxa uu sheegay in heshiiska Militari Somaliland u horseedi doono horumar dhaqaale iyo horumar ammaan, islamarkaana ka hor tagi doono kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in uu Imaaraadka ka filayo maalgalin abuurta shaqooyin badan si looga baxo shaqo la’aanta haysata reer Somaliland “Caqabada ugu weyn ee Somaliland wajahaysa waa fakhri,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaasi raaciyay in Imaaraadka ay ka rajaynayaan dhismaha deked cusub iyo jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya. Imaaraadka ayaa sidoo kale horumarinaya dekedda Berbera, islamarkaana dhisaya suuq ganacsi oo xor ah.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo la waydiiyay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in heshiiska DP World yahay waxba kama jiraan waxaanu ku jawaabay “Codkaasi waa iska kaftan iyo khalad siyaasadeed oo aan wax saamayn ah ku lahayn heshiiska Dp World oo dawladda Itoobiyana ku jirto.”

Source

Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay Masuul Sare

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.