Madaxweyne Biixi Oo Masuul Cusub Magacaabay

0
385 views
8 Qandaraas Oo Xukumaddu Bixisay & Beelaha La Siiyay

Madaxweyne Biixi Oo Masuul Cusub Magacaabay

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay ku xigeenka hanti dhawraha guud ee Somaliland jagadaasi oo muddo bannaanayd. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waxa uu ku sheegay in baahi loo qabo ahmiyadna uu leeyahay buuxinta kursiga ku xigeenka hawnti dhawraha.

Sida ku cad wareegtada madaxtooyada waxa uu madaxweyne Biixi sheegay in arrimo dhawr ah dartood uu go’aansaday “In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Komishanka Xuquuqal Iisaanka Qaranka

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu magacaabay xubnaha Komishanka xuquuqal iisaanka oo kala ah:-

1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.