Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo Safar labba maalmood ah ku qaatay dalka Djibouti ayaa saaka dalka dib ugu soo laabanaya ,safar kan oo madaxweynuhu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Djibouti.
Madaxweyne Biixi ayaa la faliyaa inuu faahfaahin ka bixin doono safarkii iyo qodabaddii ka soo baxay wada hadaladii iyo kulankii madaxweynaha dhigiisa ah ee Ismaaciil Cumar Geelaha Djibouti.
Geesta kale bulshadda somaliland ayaa indha gaara ku eegaysa soo noqoshadda madaxweynaha iyo in uu qaadi doono talaabadii maalin ka hor uu dalka kaga dhoofay ,taas si weyn loo soo dhaweeyey ,waxaanu madaxweynaha laga dhawrayaa sanqadh la`aan iyo saxamad la`aan.
Sayruuqnews
Hargeysa-Office
Contact@sayruuq.com