Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Shirweynaha Garxajis

0
669 views
Madaxweyne Muuse Muxuu Ku Sheegay Cabirka Shaqa La`aanta Dhallinyaradda

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Shirweynaha Garxajis

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaddiisii xalay ee munaasibadda 26 June ku soo qaaday shirweynaha beesha Garxajis uga socda buurta Gacan Libaax waxaanu saadaaliyay in shirkaasi dhali doono midho Somaliland ku faraxdo.

“Shirka ka socda Gacan Libaax waxaan umadda u sheegaya in uu insha Allah dhawaan ku soo gabogaboobi doono wax ay Somaliland ku faraxdo. Waxaan idiin sheegaya shirka ma joogo, ajandihiisana kama qayb galin laakiin, ‘kor waayeel waa wada indho’ umadda halkaas isugu tagtay cidna Somaliland ugama lexejeclo badna, cidna ugama halgan badnayn, cidna mustaqbalkeeda kama jecla,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ka soo noqnoqday degaanka Ceelafweyn 1-da bisha soo socota ay u bixi doonto ergo balaadhan oo uu ku sheegay Somaliland oo dhan, islamarkaana marka muddo kooban la fadhiyo la arki doono xal lagu soo afmeero xurgufta beelaha walaalaha ah dhexmartay.

Madaxweyne Biixi wuxuu cambaareeyay tallaabada xukumadda Muqdisho iyo maamul goboleedada Soomaaliya caalamka ugu qoreen warqado ay Somaliland ugu diidan yihiin taageerada beesha caalamka “Waxaan isu kayo qabanayn Soomaali ha midawdo haddana xabadna waan kugu garaacaya caalamku in uu wax ku siiyana ma ogoli,” Sidaas ayuu yidhi mudane Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dagaalka Tukaraq “Dagaalka Tukaraq wuxuu ka socda gudaha Somaliland, 75Km ayaa ka hadhsan xuduudka Somaliland iyo Somalia waana xuduud caalami ah. Halkaas ayaa maalin walba lagu soo weerara ciidanka Somaliland garana maayo waxa weerarka looga jeedo laakiin, markii la isu geeyay waxay noqotay Cabdiwali ayaa laba sanno muddada korodhsanaya marka qiimahee ayay ku kacaysa dadka la laynaya,” Sidaas ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in aanay Somaliland ogolayn Soomaali isku dhimata.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.