Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dacwadaha Somalia

0
444 views
Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dacwadaha Somalia
Madaxweynaha oo wariyeyaasha hortooda lagu sawiray

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dacwadaha Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu madaxtooyada ku qabtay kaga jawaabay dadaallada Soomaaliya kaga soo horjeedo heshiiska Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee horumarinta dekedda Berbera waxaanu ku tilmaamay weerar cad oo ay Somaliland ku soo qaaday.

Mudane Biixi waxa uu dalalka dariska iyo beesha caalamka u diray farriin ku saabsan diidmada Muqdisho ee horumarinta Berbera “Dawladaha jaarka ah, EGAD iyo caalamka kaleba waxanu u sheegaynaa faro-gelinta dawladda Muqdisho ee mashaariicda Berbera iyo Somaliland waa weerar cad, waana faro-gelin, umana dulqaadan karno” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

“Dad ba leh Soomaaliya Dp World ayay dacwaysay ee Somaliland ma dacwayn, Dp World inaga heshiiska la galnay. Goobta lagula galay ee laga wada hadlayana waa dhulka Somaliland oo waa Berbera. Dp World maxaad Berbera u tagtay ee aad heshiis ula gashay ninka lehna waa ninka Muqdisho ka taliya. Somaliland ilaa maalintii Burco lagu bilaabay iyada uun baa hawlaheeda wadatay adduunyaduna ku hambalyaynaysay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in Somaliland sugaysay waxna ka dhisaysay Soomaaliya intii ay liidatay laakiin, dagaalka ay maanta ku soo qaaday Muqdisho xukumadda Somaliland ay tahay cadaawad weyn “Colaadda ay dhigeen Soomaali isu timaadda daaye jiilasha soo socda 100-ka sanno ee soo socda ayay colaad iyo dab aanay ka bogsanayn kala dhex dhigeen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu soo qaaday shirkadda DP World ee dawladda Jabuuti ka eriday dalkeeda “DP Wolrd oo Jabouti kasoo guurtay waa arrin ganacsi, markaad shaadh iibsanaysona dukaan baad gashaa, haddaad is af-garanweydona ka ku xiga ayuun bada ka iibsataa, ma aha in Jabuuti halkan(Somaliland) waxyeello kaga duulayso, mana aha haddii Jabuuti iyo DP World is qabtaan in Somaliland Belaayo kaga soo duulayso, muhiimadda iyo walaaltinimadeenaa ka weyn, wax la buun buuniyo oo marmarka qaarkood dadku wax ka dayaan oo in inaga iyo Dp World ganacsiga ka dhexeeyaa xidhiidhkeena Jabuuti wax yeeloyana ma aha,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here