Madaxweyne Biixi Oo Ingiriiska Ku Wargeliyay In Uu Joojiyay Wada Hadalka Somalia

0
743 views
Madaxweyne Biixi Oo Ergo U Diray Beesha Garxajis
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Madaxweyne Biixi Oo Ingiriiska Ku Wargeliyay In Uu Joojiyay Wada Hadalka Somalia

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb David Concar. Afheenku waxa uu sheegay in madaxweynuhu warbixin guud ka siiyay safiirka xaaladda Somaliland ee xilligan, sidoo kalena uga mahadceliyay socdaalkiisa.

Afhayeenku wuxuu sheegay in uu masuulkan reer Ingiriis u iclaamiyay hakinta wada hadalka Somalia wakhti aan cayinayn “Waxa uu madaxweynuhu u qeexay in gabi ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland hakiyay wada hadalladii ka dhexeeyay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, taas oo ay sababteedu tahay faro gelinta qaawan ee ay qaddiyadda Somaliland ku soo qaadeen,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenku

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Afhayeenka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.