Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Xidhiidhka Khaliijka Carabta

0
622 views
Masuul Sare Oo Waddani Ah Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Xidhiidhka Khaliijka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Salaasadii shalay xafiiskiisa waraysi ku siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Associated Press, waraysigaas oo sidoo kale lagu daabacay Washington Post, News and observer iyo warbaahino kale waxa uu ku difaacay saldhigga Militari ee dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera ee Somaliland.

AP waxay sheegtay in Somaliland oo 30 sanno ku dhawaad madax bannaan aanay dunida citiraaf ka helin laakiin, taas awgeed ay hadda Somaliland isbahaysi la gelayso dalalka shidaalka qaniga ku ah ee Carbeed oo danaynaya, islamarkaana ku hawlan ilaalinta marin badeedka Bab Almandab oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka Khaliijka gaadhsiiya Yurub.

Madaxweyne Biixi wuxuu muujiyay in ay Imaaraadka uga fadhiyaan in ay difaacan Somaliland wixii dibadda kaga yimaadda “Dawladdayadu maaha mid sidaa u xooggan, marka aaggayagani wuxuu doonaya cid ilaalisa,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Biixi waxaanu intaasi raaciyay “Waxay ila tahay waanu u baahan nahay wadan nala saaxiib ah oo aanu iska kaashano ammaanka dhanka Militariga, waanu u baahan nahay taas.”

Ilaalinta Geeska Afrika waxay muhiimad soo kordhaysa u noqotay waddamada Khaliijka Maarij 2015, markii isbahaysiga Sucuudigu dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta xulufada la ah Iiraan ka bilaabay Yemen.

Madaxweyne Biixi wuxuu ka gaabsaday tirada ciidamada Imaaraadka ee imanaya saldhigga Berbera iyo xilliga la dhamaystiri doono Saldhigga oo wakhtigiisa ugu yar yahay 25 sanno “Haa waxaanu isbahaysi la nahay Imaaraadka iyo Sucuudiga.Dhamman ganacsigayada, hantidayada guud waxay yaallan Dubai. Dhammaan waxaanu soo dejisana waxay ku tiirsan yihiin dekedaha Imaaraadka. Waxaanu leenahay isku xidhnaan dhaqaale iyo ganacsi sidaas darteed waanu isbahaysanayna,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay hoy u tahay inka badan hal milyan oo qof way. Somaliland aad bay uga nabad badan tahay Soomaaliya oo Alshabaabta xidhiidhka la leh Alqaacida ka fuliso weeraro joogto ah.

Marka laga reebo warshadda Coca Cola oo ku taalla meel ka baxsan caasimadda, ma jiraan astaamo ku saabsan shirkaddaha waaweyn ee caalamiga ah(Multinational Companies) oo ka muuqda Somaliland. Caasimaddan kuma yaallan Hotello caalami ah, mana jiraan meheradaha cuntada fudud ee Maraykanka ama xarumaha suuqyada dukaamaysiga(Shopping malls),” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi

“Waxaanu dareemayna in aanu xaq u leenahay in nala aqoonsado. Waxaanu leenahay xaqa aayo ka tashiga ee ku xusan axdiga Qaramada Midoobay, taas ayaan filaya in ay tahay xaqiiqo qof walba aqoonsan karo, sidoo kale waxaan rajaynaya in xaqiiqadaas ay ugu dambeyn aqoonsan doonta dawladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta lafteeda,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo u warramay AP.

“Marka aad deked ka ag furto deked kale waxaad si cad u dareemaysa tartan. Si cad ulama tartamayno Jabuuti laakiin, waxaan caddaynaya in aanu loolan ku jirno,” Sidaas ayuu yidhi Cali Ismaaciil Maxamuud oo ah madaxa hawlgalinta dekedda Berbera ee DP World.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.