Madaxweyne Biixi Oo Cirka Ku Laalay Wada Hadalka Muqdisho & Hargeysa

0
670 views
Beesha Caalamka Oo Mar Kale Ugu Baaqday Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Inay Soo Celiyaan Wada Hadaladii Hargeysa Iyo Muqdisho

Madaxweyne Biixi Oo Cirka Ku Laalay Wada Hadalka Muqdisho & Hargeysa

Madaxweynaha JSL ayaa shuruud adag ku xidhay in ay dib u furmaan wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay in ay bishan Jabuuti ka furmaan laakiin xiisadda ka dhalatay heshiiska dekedda Berbera baajisay. Waxa uu sheegay in aanay dawladda Somaliland hor fadhiisan doonin Soomaaliya ilaa ay aqoonsadaan in loo wada hadlayo laba dawladood oo siman oo 1960 iskood isugu biiray kadibna iskood u kala noqday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in wada hadalku lama huraan yahay hadda se aanu suuro gal ahayn “Xaaladdan imika taagani mid saamaxaysa maaha in lagu wada hadlo oo dee halkaasibaa la kala joogaa laakiin wada hadalka bani aadamku mar walba wada hadal buu wax ku dhammaystaa. Wada hadal buu ku dhammaadaa wixiisu. Waa la is dilaa buuq kasta ayaa dhaca, hadal uunbaa ka dambeeya iyo in la wada hadlo. Markaa in wada hadal dhici doono oo mar uun la isugu iman doono miiska wada hadalka waan ogsoonahay laakiin waa marka jawigiisu u ekaado mid ku habboon wakhtigaasi,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo Horn Cable u warramayay.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi raaciyay in aanay wada hadal galayn ilaa loo wada hadlo laba dhinac oo siman “Marka ay na arkaan in aanu jirno oo laba dawladood noo arkaan in aanu nahay oo la is yidhaa kuma iyo kumaa wada hadalaya, heerka meeqaam ee aynu ku wada hadlaynaa muxuu yahay. Yaa wada hadalaya dee?, ma gobol Soomaaliya ka mid ah ayaa la hadlaya Soomaaliya dawladiisii ma laba dawladood oo is qabtay baa wada hadlaya taaba yaa ka heshiiyey. Dee annagu gobolna ugu tagi mayno qolo dawladooda baryeysana ma nihin. Waar laba dawladood oo heshiiyey oo kala tagay baynu nahee ma wada hadalnaa oo ma wada noolaanaa baanu u soconaa. Wixii intaa ka hooseeya isku daalinba mayno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dorraad baarlamaankiisa u sheegay in wada hadalladu furmayaan “Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka,” Sidaas ayuu sheegay Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ee shuruudaha adag wata waxa uu intaasi ku daray in dawladda Turkigu lix sanno ku habsaamisay wada hadallada dhexdhexaadin la’aan laakiin, hadda la doonayo dawlado u gar naqa Somaliland iyo Soomaaliya oo dhexdhexaadin rasmi ah ka gala maaddaama aanay suuro gal ahayn in dad is haya la yidhaahdo ‘idinku wada hadla’ sida ka dhici jirtay Turkiga oo Somaliland u aragtay in aanay daacad ka ahayn wada hadallada.

Wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo 8 jeer qabsoomay intii u dhexeysay 2012 iyo 2015 ayaa burburay markii Soomaaliya soo diratay shakhsiyaad Somaliland u dhashay oo xukumadda Muqdisho ka tirsan kuwaas oo Somaliland diiday in ay la hadasho.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.