Madaxweyne Biixi oo Aqbalay in Uu Waddani Kala Xaajoodo Kalsoonida Komishanka Doorashooyinka

0
1,198 views
Madaxweyne Biixi oo Aqbalay in Uu Waddani Kala Xaajoodo Kalsoonida Komishanka Doorashooyinka

Madaxweyne Biixi oo Aqbalay in Uu Waddani Kala Xaajoodo Kalsoonida Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa(Sayruuq):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa dedaalo badan ka dib waxa uu aqbalay in Xisbiga WADDANI ay ka wada-hadlaan sababta keentay kalsooniddii Xisbigaasi uu sheegay in ay kala noqdeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ka dib cabasho ay ka muujiyeen qaabkii ay u dhacday Doorashadii dalka ka qabsoontay 13ki November ee sannadkii hore.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, dhex-dhexaadin wakhti badan socotay oo ay labada dhinac u kala dab-qaadaysay Akaademiyadda Nabadda ee Somaliland waxay ku guulaysatay in ay Madaxweyne Biixi iyo Xisbigiisa KULMIYE ba ay aqbaleen in Xisbiga WADDANI ay ka wada-hadlaan Kalsooniddii Xisbigaasi ay kala noqdeen Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay in uu soo dhaweeyey dhex-dhexaadinta ay arrintaa ka gashay Akaademiyadda Nabadda ee Somaliland isla mar ahaantaana uu diyaar u yahay in wax kasta oo qancin ah uu kala hadli doono Xisbiga WADDANI si ay dalka uga qabsoomaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka ee Somaliland.

Arrintan oo aan weli la shaacinin, ayaa hada waxa loo balansan yahay kulankii ugu horreeyey ee arrintaas ay ka yeelanayaan Madaxweynaha iyo Xisbiga KULMIYE oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Xisbiga WADDANI ee tabashada ka soo gudbiyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.