Madaxweyne Biixi Oo Amar 24 Saac ah Dul Dhigay Maayarka Caasimadda

0
791 views
Odayaasha Gabiley Oo Madaxweyne Biixi Ka Ashkateeyay Wasiirkiisa Maaliyadda

Madaxweyne Biixi Oo Amar 24 Saac ah Dul Dhigay Maayarka Caasimadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta bookhday dhawr Dhaan oo waaweyn oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxa uu halkaasi ku arkay khatarta ay ku hayaan bulshada iyada oo uu dhawaan dhaamka Qudhacdheer dhibaato u gaystay qoys uu carruurtii ka qaaday daadku.

Madaxweynaha ayaa maayarka caasimadda oo wehelinayay ku amray in balliyadan biyaha laga faaruqiyo ku sinaan 24 saacdood ama inta aanu roob dambe hoorin maaddaama ay wada buuxaan halisna ku yihiin magaalada iyo dadka hareerahooda degan.

Cirku waa tusan yahay balliguna wuu buuxa, waxaan idin faraya in aanay biyuhu magaalada ku jabin ee biyaha la furo, dadka hareero daggana sidii khatarta looga badbaadin lahaa iyagana meel loo gayn lahaa falawgeeda qabataan. Qorsheyaashiina kale ee magaalada iyo wixii aad qabanaysaan idinka leh oo wuu idin sugaya qorshaha fog laakiin, 24 saacdood ee soo socda daruurta taaggan iyo balliga buuxa waa in aad biyaha iyo magaalada kala fardaamisaan ama habeen shaqeeya ama maalin shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.