Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Eeddii Soomaali Weyn Ee Waddani?

0
123 views

Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Eeddii Soomaali Weyn Ee Waddani?

Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa wali xasuusan weedhihii kursiga lagaga riixday ee ku saabsana in xisbiga Waddani xidhiidh la leeyahay Xamar, ereyadaas oo Madaxweyne Muuse si weyn ugu soo ololeeyay. Madaxweynaha ayaa u muuqda in uu ku celiyay eediisa, islamarkaana uu aamminsan yahay in dadkii uu arrintan ku eedeeyay wali Waddani ku dhex jiraan.

Madaxweynaha ayaa maanta la waydiiyay in dadkaasi yihiin Soomaali weyn waxaanu ku jawaabay “Kulmiye iyo aniga oo Ololaha cararayay marnaba maanu odhan beelo dhan iyo dad ka mid ah Somaliland ayaa ah reer Xamar xaasha, taasi waaba dambi dastuuriya, waxaanu leenahay oo haddana jira waxa jira siyaasiyiin shakhsiyaad ah oo ku lug leh Xamar oo tagay oo ka soo noqday xisbi walbana way tagaan.

Markii Ololaha ashkhaasta waanu durnay iyaguna wax way durayeen laakiin, xeerka dimuqraadiyaddu waxa weeye mar haddii shirkii(Doorashadii) dhammaatay oo xisbiyadii isu hanneeyeen ololahaasi wuu laabmay. Anagu imika umadda Waddani iyo madaxdooda niman reer Somaliland ah oo taariikh wanaagsan leh oo halgankii qayb fiican ku leh oo mudakar ah oo dalka qaybtooda leh baanu u aragna nina dafiri maayo taas laakiin, shakhsi hadduu meel tago oo anigu haddaan Xamar tago shakhsi baa lagu qaadaya, marka haddii shakhsi la soo qaado qaran lama soo qaadin marka waxaan u arka in ay gef tahay in uu shakhsigu reer ku galgasho

Halkan ka daawo muuqaalka arrintaasi

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.