Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Qambi Oo Qiray Khilaafka Wasaaradda Hawlaha Guud & Maayarrada

0
278 views
Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Qambi Oo Qiray Khilaafka Wasaaradda Hawlaha Guud & Maayarrada

Madaxweyne Biixi Iyo Wasiir Qambi Oo Qiray Khilaafka Wasaaradda Hawlaha Guud & Maayarrada
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay daahfuray olole soconaya 20 cisho oo lagu diwaangelinayo hantida ma guurtida ah ee Qaranka. Wasaaradda hawlaha guud ayaa fulinaysa Qorshahan. Wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa sheegay in diwaangelinta looga dan leeyahay si wax looga qabto boobka hantida dawladda oo socday 28 sannadood.

Wasiir Qambi waxa uu sheegay in hantida dawladda ee ay bixiyeen xukumadihii hore ay ka saari doonan in ay hanti dawladeed yihiin “”Wixii uu madaxweyne bixiyey ee sifo sharci ah ku baxay waan ka hadhaynaa,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo sheegay in la diwaangelinayo dhulka bannaan ee dawladda iyo dhismeyaasha iskuullada, goobaha caafimaadka iwm.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu fiicnayn xidhiidhka u dhexeeya wasaaraddiisa iyo dawladaha hoose ee dalka “Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka, dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh” ayuu yidhi wasiirka oo idaacadda BBC-da u muujiyay in aanu fiicnayn xidhiidhka labada dhinac.

Dhanka kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka ololaha ayaa sheegay in ay xanafi ka dhalanayso wada shaqaynta wasaaradda, badhasaabada iyo maayarrada oo ah saddex jaranjarro oo dawladda ah kuwaas oo mid walba awoodihiisa leeyahay. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in maayarradu caqabad ku noqon doonan hawsha wasaaraddu waddo.

“Idinka(wasaaradda) waad isku tagi doontaan (maayarrada) dood badan baa idin dhex mari doonta waayo isagu wuxuu u qaba in uu degaankii maamulo, dantii guud wuu ogol yahay laakiin, hore la isuma waydiin dee maanta ayaa ugu horaysa, marka Soomaalidu waxay tidhaahda ‘baadi kugu raagtay yadaada ayaad mooda’ macnaha in aad leedahay ayaad mooda,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la is waafajiyo wada shaqaynta jaranjarooyinka dawladnimada.

Wasiirka hawlaha guud ayaa dhawaan ku eedeeyay maayarrada dalku in ay boob ku hayaan hantida dawladda siiba dhulka. Xogo wargeyska Waaberi dhawaan helay ayaa sheegay in wasaaradda ay si weyn isaga caabiyeen maayarradu siiba kuwa Berbera iyo Hargeysa, islamarkaana ay ka gaws adaygayaan wareejinta dhulka danta guud oo wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.