Madaxweyne Biixi & Dr Cirro Oo Isku Mari Waayay Kulan Shalay Dhexmaray

0
917 views
Madaxweyne Biixi & Dr Cirro Oo Isku Mari Waayay Kulan Shalay Dhexmaray

Madaxweyne Biixi & Dr Cirro Oo Isku Mari Waayay Kulan Shalay Dhexmaray
Hargeysa(Sayruuq):-Kulan ka qabsoomay Madaxtooyada oo u dhaxeeyey Xukumadda oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE oo isku dhinac ah iyo Xisbiga WADDANI oo isna dhinac ah isla mar ahaantaana laga ga hadlaayey dooda WADDANI ka qabo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo siddii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, ayaa ku soo dhammaadey natiijo la’aan ka dib markii wax is faham ah laga gaadhi waayey isla jeerkaas na lagu soo kala kacay kulankaasi oo socdey muddo saacado ah.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, kulankan shalay ka qabsoomay Madaxtooyada waxa sku soo hor-fadhiistay dhinaca Xukuumadda oo uu hoggaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinaayeen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Waxbarashada Mudane Faratoon, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Gaafaadhi iyo dhinaca KULMIYE oo ay ka socdeen guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbigaasi Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, halka dhinaca WADDANI na ay ka koobnaayeen Murashaxa Xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Cirro, Ku Xigeenkiisa Murashaxa Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali, Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbigaasi Cabdirisaaq Khaliif, Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghaye Ku xigeenka Guud ee Xisbigaasi Mudane Jamaal Xaamud.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa siddii dhinacyadaasi ay uga wada-hadli lahaayeen arrinta Xisbiga WADDANI uu ka qabo Komishanka Doorashooyinka ee khuseysa in la kala diro iyo weli ba sida oo kale siddii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorashadii Deegaanka iyo Wakiillada, ayaa noqotay mid dhinacyadu ay isku af-garan waayeen isla mar ahaantaana ay ku kala kaceen. Waxaana ay wararku tilmaameen in la isku mari waayey kala dirista Komishanka Doorashooyinka oo doodaas ay aad ugu dheganaayeen mas’uuliyiinta WADDANI halka dhinaca Xukuumadda ee Madaxweyne Biixi iyo Xisbigiisu na ay istaageen in aanay suurto-gal ahayn kala dirista Komishanka ee wakhtigan iyaga oo ku sababeeyey in ay keeni karto dib u dhac ku yimaada Doorashada.

Wararku waxa kale oo ay tilmaameen in dooddii ka dhex-dhacdey labada dhinac ay ahayd mid aad u adag oo aanay dhinacyadu waxba isku la hadhin iyaga oo sida oo kale na u wada-hadlay si saraaxadi ku jirto, waxaana la sheegay in Madaxweynaha iyo dhinaca Xukuumaddu ba ay aad ugu doodeen in kala dirista Komishanka Doorashooyinku ay saameyn ku yeelanayso xalaalnimada Doorashadii ay ku guuleysteen ee ay kursiga ku fuuleen balse taa beddelkeeda waxa ay wararku tibaaxeen in Murashax Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Ambassador Maxamed Xaaji Cali ba ay ka shaafi yeeleen in cidna aanay ku qabsaneyn arrimo la xidhidha Doorashadii ina soo dhaaftay isla mar ahaantaana Muuse iyo Saylici ba ay dalka Madaxweyne iyo Ku Xigeen aan muran lahayn u yihiin.

Dhinaca kale, wararka soo gaadhay Wargeyska Waaberi, waxa ay xaqiijinayaan in saddexda Xisbi qaran ba ay maanta u wada balansan yihiin kulan si wada-jir loogga ga wada-hadli doono arrinta Komishanka Doorashada iyo siddii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorashadii Deegaanka iyo Wakiilada, waxaana la oggeyn waxa maanta ka soo bixi doona kulankaasi maadaama Xisbiga WADDANI uu aad ugu dhegsan yahay kala dirista Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay hore u sheegeen in ay khaladaad badani ka dhacay Doorashadii ay dalka ka qabteen.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.