Madaxweynaha Somaliland Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Arrimo Door Ah

0
177 views

Madaxweynaha Somaliland Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Arrimo Door Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka. Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan dani ugu jirin dagaal laakiin, ay sugidda xuduudaha qaranku tahay arrin waajib ah. Waxa uu beesha caalamka u sheegay in aanay Somaliland ku xadgudbin Soomaaliya, islamarkaana aanay galin dhul Soomaaliya ah.

“Caalamka waxa aannu u sheegaynaa kuma aannu xadgudbin Soomaaliya, colaadna uma jeedno oo dagaal diyaar uma nihin, halka aannu imika joogno oo Tuka-raq ahna weli xuduudkayagu waxa uu u jiraa 70km, distoorka Somaliland waxa u qorayaa inay xukuumaddu sugto xuduudaha dalka, anigana xilkii la ii dhaariyey bay kamid tahay oo Baarlamaanka iyo shicib-weynuhuba way igu daba joogaan waa in xuduudda la tagaa,”  Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Madaxweynaha

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay wada hadal khadka telefoonka ah oo la sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay waxa uu sheegay in aanay si toos ah u wada hadal laakiin, la fududeeyay wada hadalkaasi oo cid ku dhex jirtay.

Madaxweynaha ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay go’aammo wax lagaga qabanayo sixir bararka oo soo bixi doona dhawaan kuwaas oo la filayo in ay xal u noqdaan sixir bararka oo ah arrinta ugu weyn ee bulshadu indhaha ku hayso waxa uu ka qabanayo Mudane Muuse Biixi

Halkan ka daawo Muuqaalka warka Madaxweynaha

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.