Madaxweynaha Oo Sheegay In Bulshadu Ka Aammin Baxday Dawladda

0
364 views
Madaxweyne Biixi Oo Ergo U Diray Beesha Garxajis
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Oo Sheegay In Bulshadu Ka Aammin Baxday Dawladda
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay dadka maalgalinta sameeyaa aamminsanayn hay’addaha dawladda, islamarkaana u arkaan meel musuqmaasuq oo lacagta loo dhiibo shakhsiyaad cunayaan. Waxa uu sheegay in xukumaddiisu doonayso in ay bulshada ka saarto aragtida noocaas ah, islamarkaana wixii dawladda loo dhiibo loo maamulo hab daahfurnaan ah.

“Rayi caamka dadkeenu ama ra’yiga ay dadku qabaan waxa weeye in ay dawladda u arkaan meel musuq ah oo waxa loo dhiibo cunta oo aamminaadu ku yar tahay oo baayacmushtarka ayaa aad loo aammina, taas waynu isla og nahay. Anagu xukumaddan haddaanu nahay waxaanu ku dadaali in aanu dadka caqligooda tusno in aanay dawladdu tuugo ahayn oo wixii ay noo dhiibaan daahfurnaan ku maamulno, dadaalkayagu waa kaas,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo furayay kulan ku saabsan shaqo abuurka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay bulshadu ilaa lixdankii ka shakisan tahay dawladnimada “ Waxaanu doonayna in aanu arrinta bedelno dadkuna aamminaan in dawladda wixii loo dhiibo la arki karo; markaas ayaa baayacmushtarku dawladda aamminaya oo ganacsaduhu cashuurta bixinaya, haddii kale cashuurtii wuu ka shakiyay oo wuxuu odhanaya ‘kollay mid yar baa ku qayili lahaaye adigu ama masaajid gee ama mid agoona sii ayuu is odhanaya’ marka waxaanu doonayna in arrintaas wadaagno oo inagoo is aamminsan wada shaqayn karno,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu amray in aan shaqo ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland loo dhiibin qof ajaanib ah “Shaqo muwaadin qaban karo waxa inoo guddoon ah in aanu qof ajaanib ahi hayn. Qolada ganacsatada ee ka dayrisay farsamo xumadeena ama in aan dadkeenu farsamada aqoon iyo wasaaradda bixisa ogolaanshaha in ajaanib la keena ha isla hubiyeen shaqadaa ninka ajaanibka ahi halkan u yimid in aynu qaban karno, aad arrinta ha loo hubsado, sababta oo ah wuxuu guux badan ka jira in shaqooyin badan oo aynu qaban karno dad ajaanib ahi hadal hayaan waxaana loo nisbeeya in ay keenan baayacmushtarku,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.