Madaxweynaha Oo Laba Jeer diiday Xalinta Arinta Caare

0
570 views
Madaxweynaha Oo Laba Jeer diiday Xalinta Arinta Caare

Madaxweynaha Oo Laba Jeer diiday Xalinta Arinta Caare
Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Somaliland ayaa wakhtigan caqabad weyn kala kulmaysa jabhadda uu aasaasay kornayl Caarre oo hore uga tirsana ciidamada Qaranka JSL. Sida uu shalay sheegay wasiirka ciyaaraha Boos Mire Maxamed waxa jira falal dhawr ah oo uu gobolka Sanaag ka gaystay kuwaas oo muujinaya saamayntiisa mana jirto qorshe cad oo xukumaddu kula macaamilayso kooxdaasi.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shalay sheegay in uu Madaxweyne Biixi laba jeer diiday in sulux lagu dhammeeyo arrinta Caarre “Sida laga xaqiijiyey Odayaasha kasoo jeeda Deegaanka Kornayl Caarre oo u tegay Madaxweynaha bishii Ramadaan, wuxuu Madaxweynuhu ku wargeliyey in aan lagala hadal arrinta Kornaylka ee ay Xukuumaddu go’aan ka gaadhi doonto.”
Waxa uu intaasi raaciyay “Sidoo kale Guddiidii khayrka qabtay ee xidhay isla markaana xasilisay nabada Ceel-afweyn, waxa Xukuumaddu ku wargelisay in arrinta Kornayl Caarre iyadu xal ka gaadhi doonto .
Kornayl Caarre muddo ku dhaw afar bilood ayuu joogay deegaanka Ceel-afweyn, isagoo ka maqan Ciidanka Qaranka , Xukuumadda Somaliland iyo Taliska Ciidanka Qaranku wax xal ah kamay samayn go’aana kamay gaadhin arrinta kornaylka, heshiiska nabada laguma darin oo Xukuumadda ayaa iska hor taagtay, Arrinta Caarre xal waa loo heli karayey Culimadii iyo gudiidii dhaqanka ee nabada Ceel-afweyn dhammaysay ayaa diyaar u ahayd inay gasho .”
Caarre ayaa ciidamada Qaranka ka goostay markii laga duubay muuqaal isaga oo si kulul uga hadlaya colaad u dhexeysay beelaha wada dega Ceelafweyn, islamarkaana si kulul ugu canaanaya saraakiisha in la isku eegayo labada beelood.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.