Madaxweynaha Oo Dalbaday In La Soo Bedelo Taliyeyaasha Ceelafweyn

0
849 views

Madaxweynaha Oo Dalbaday In La Soo Bedelo Taliyeyaasha Ceelafweyn

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa taliyeyaasha ciidamada ka dalbaday in ay taliyeyaasha ka soo jeeda beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis ka soo bedelaan degaannada Ceelafweyn ee beelaha ehelka ah ku dagaallameen.

Mareegta wararka ee Hangoolnews oo ay xogtan ka soo xigatay Sayruuqnews waxay sheegtay in mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Somaliland aanay magaciisa xusin u xaqiijiyay jiritaanka warkan, islamarkaana uu  yahay soo jeedin madaxweynaha uga timid badhasaabka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro.

Taliyeyaashan ayaa loo bedelaya Hargeysa iyo Boorama halka la filayo in taliyeyaal ka soo jeeda galbeedka la geeyo aagga dirirtu ka soo noqnoqay si kalsoonida ay labada dhinac ciidamada ku qabaan loo xoojiyo.

Arrintan ayaa la rumaysan yahay in ay sababtay muuqaal baraha bulshada ka soo muuqday oo ku saabsan in taliyeyaal isku khilaafsan in aanay ciidamadu doorkii loo baahna ka qaadan kala dhexgalida labada beelood iyo ka hor tagga inta aanay isku dhicin taas oo laga dareemay in ay sababi karto in ciidamadu la kala saftaan labada beelood.

Source:Hangoolnews

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here