“Madaxweynaha Khasab Kuma Aha Wareejinta Guddoomiyenimada Kulmiye,” Xildhibaan Rayte

0
640 views
“Madaxweynaha Khasab Kuma Aha Wareejinta Guddoomiyenimada Kulmiye,” Xildhibaan Rayte

“Madaxweynaha Khasab Kuma Aha Wareejinta Guddoomiyenimada Kulmiye,” Xildhibaan Rayte

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana soo jeeda beesha Bariga Burco ayaa sheegay in aanu jirin sharci ku waajibinaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wareejiyo kursiga guddoomiyaha Kulmiye. Hadalkan ayaa imanaya xilli Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay isku hayb yihiin Mudane Rayte ku raad joogo sidii madaxweyne Biixi ugu wareejin lahaa guddoomiyaha si la mid ah tallaabadii madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi maaha madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo isaga gaadhay go’aanka ah in uu guddoomiye xigeenkiisii(Muuse Biixi) ku wareejiyo  ee waajib sharci ah ma ahayn, imikana maaha ee waxay ku xidhnayd  wada hadalkii ay wada hadleen Muuse iyo madaxweyne Siilaanyo oo ay ka dhalatay in uu iska wareejiyo oo awooddiisa madaxweynenimada ku eekeeyo, imikana waxaan filaya khasab maaha go’aankii madaxweynihii hore gaadhay in madaxweynahana gaadho,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Rayte.

Dhawaan ayuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka beesha Habarjeclo u soo jeediyay in lagu soo wareejiyo guddoomiyenimada Kulmiye isaga oo u muuqday in uu saluugsan yahay xukumadda madaxweyne Muuse.

Hase ahaatee Madaxweyne Biixi oo dhawaan la waydiiyay xilliga uu wareejinayo waxa uu u muuqday in uu isku xidhay muddo xileedkiisa madaxweyne iyo wareejinta guddoomiyaha Kulmiye.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.