MADAXWEYNAHA JSL MIDHBAAN LEEYAHAY

0
965 views

MADAXWEYNAHA JSL MIDHBAAN LEEYAHAY, XISBIYADA MUCARIDKA AHNA MIDHBAN LEEYAHAY
SIYAASIYIINTA MUCARIDKA IYO MUXAAFIDKA U DHEXEYA( HAFAN HAAF) MIDBAN LEEYAHAY.

Waxaan qormadan kaga hadlaya aragtidayda muwaadinimo taasi oo aan sadexdan qaybood ee sare ku xusan aan mid mid ka odhan doono, talo ahaan.
Hadii aan ku horeeyo midhaka aan talo ahaan odhanayo madaxweynaha jsl md muuse bixi cabdi, oo ah masuulka kowaad ee qarankan u hogaamintiisa u igman loona doortay, waxan talo ahaan odhanaya arrimahan hoos ku xusan:
Md madaxweyne, bulshada Somaliland kalsooni xoog badan ayay kugu qabtaa, wana ta ay kugu dooratay, somalida aya waxay tidhaahda (nin habari dhashay hal ma seegi waayin) mudane madaxweyne anigoo ixtaarm iyo qadarin kuu haya waxan halkan hoose kugu soo gudbinaya talo muwaadin oo lilaahi taasi oo aan u arko in ay tahay mid muhiima, wana sidan hoos ku xusan.
1- Md madaxweyne,mudo yar ka hor markii lagu doortay, waxaad soo dhistay xukuumad, sidii sharcigu ahaa ee waajibka dastuuriga ah kugu ahayd, xukumadaasi oo u badan wasiiro iyo hay,ado kale oo dawladaba ah, hadaba xukuumadii aad soo dhistay md madaxweyne, oo runtii mudo kooban oo laba bilood iyo badh jirtay, bulshada Somaliland, aad bay u saluugsantahay, xaga tayada iyo xaga tusmadaba, habka shaqo iyo haday habdhaqan siyaasadeed tahayba, sida runta ah inta badan ee bulshadu way saluugeen mudadii koobnayd xukumadan aad so dhistay siiba wasiirada, sidaa awadeed waxan talo ahaan odhan lahaa , arrinta u dhaba gal, haday kuu muuqato, ama aad dareemayso si dhakhso ah cugashada marlabaad celi, adigoo mansabkasta ku salaynaya waaqiciga siyaasad iyo duruuf ee dalka horyaala. Eegaya tayo ahaan, iyo tusmo ahanba.
2- Qodobka labaad, mudane madaxweyne, waxan iyana talo ahaan odhan , in aan la timaado arrimo ka gadisan hogaamintii madaxweynayaashi hore ee dalkan soo hogaamiyey, gabi ahaanba taasi oo dalka iyo dadkaba wax ka bedelaysa, adigana kuu noqonaysa talaabo taariikhi ah oo aad mudo xileedkaaga baal dahab ah kaga gasho taariikhda dalka iyo dadkana isbedel weyn ku ridaysa , wa maxay arrimahaasi ?
a) Dhamaystirka shuruucda iyo xeerarka qabyada ah ee dalka iyo dadkuba u bahanyihiin waxbadana inagaga xidhanyihiin iyo curinta shuruuc iyo xeerar cusub ooa ku salaysan wakhtiga iyo duruufaha manta dalka iyo dadkaba ku gadaaman.
b) Dabagalka iyo la xisaabtanka masuuliyiinta aad xilka u igmatay, adigoo adeegsanay ilo ama sources kale oo aan iyaga ahayn.
c) Maamul daadajinta hay,adaha dawlada, oo iyaduna ah mushkilad dalka haysato,waayo masuuliyiinta ugu saraysa hay,adaha dawlada, waxay caado ka dhigteen, suno mu akidana u ah intii ka danbaysay dawladii Marxuum cigaal, in ayagu ay hay,adaas, awal iyo aakhirba yihiin, had iyo jeerna shaqadeeda iyo awoodaheedi masuulka ugu sareeya hay,ada ay ku koobanyahay, mid sare iyo mid hoosaba, halkaasna fadhiid ka dhigtay horumarkii hay,adaha madama ay maamulkeedii iyo awoodaheediba ku kooban yihiin masulka ugu sareeya o kaliya.
d) Md. Madaxweyne, hantida ma guurtada ah ee umada ee qaranku leeyahay, ma diwaangashana, mana laha diwaan guud oo dhamaan hantida, qaranka , haday gaadiid tahay, haday dhul tahay, haday dhisme tahayba ma jiro intaan ogahay, diwaan guud oo kulmiye, dhamaan hantida ma guurtada ah, ee hay,adaha dawladuxi leeyihiin, mid sare iyo mid hoosaba, balse waxa suro gal ah in ay hay,ad waliba iskeed u diwangashantahay hantida ay leedahay, sidaa awadeed madaxweyne talo ahaan waxan odhan lahaa in hay,ada hantidhawrku u samayso diwaan guud oo ah dhamaan hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranka, isla markaana madaxweyne aad xafiiskaagana laga helo diwaankaas, sidoo kale dhaqdhaqaaqa hantidaas, isbedelkasta oo ku yimaada hantidaas (korodh iyo dhimaal) hab xisaabeed uu noqdo, yeelato xisaab xidh, 3, bilood, 6, bilood iyo sanadalaba.
e) Tani aya si buuxda u damaanad qaadaysa ilaalinta hantida dawlada, tusale ahaan gaadiidka dawlada hantida ku baxda wad la socotaa iyo sida qiimo darada ah ee loo baabiyo mudo hal sano ka yarba.
f) Md madaxweyne, arinka ugu danbeeya, cidna yay, ku dulmin, shaadhkaaga, ama agdhawaansho ay kaa agdhawdahay muwaadin kale xaqii ama ku lunsan hantida umada , waayo arrimahani sanadihii danbe waxay ahaayeen kuwo aad ugu soo badanaya habdhaqanada siyaasadeed in hebel madaxweynuhu ka agdhawyahay, masuuliyiin badan iyo bulsho badan oo indho ku garaadle u badani , arrimo badan oo sharci dara ah ugu fuliyaan , hebelkas ayago leh madaxweynaha ayuu ka agdhawyahay.

Md madaxweyne arrimahan waxan aaminsanahay in ay dalka iyo dadkaba wax weyn ka
bedelayaan, isla markaana ay noqonayan key master daweeya oo fure u noqda albabo badan oo calaqna, aragti ahaan intaas aan so xusay ayaan madaxweyne talo ahan kugu so jeedinaya.

XISBIYADA MUCARIDKA AH

Horta ayaga ku badin mayo,laakin waxan doonaya in aan saxo khaladaad aan ka arkay inay aaminsanyihiin, waxanan leeyahay walaalayaal, waxaad tihin madaxdii dalkan ee barito, waxaynu u naqaanay mucaaridnimada, toosin iyo halkii dhaliilan ee dawlada ah in aad tosisaan kuna dhaliishan xukuumada, sidoo kalana wixi tacadi ama gaf ah ee ay qaranka ama shacabka kula kacdo xukuumadu iyo hay,adaheedu inaad si adag uga hortimaadaan kana hadashaan, laakiin waxad moda hada in mucaaridnimadii aad hab kale oo lidi ku ah arrimahas, u adeegsateen, tusale ahaan, heshiiska dp world, oo umada iyo dawladuba iyo golayaashuba ay isku raaceen un uu yahay mid dalka sumcad, maal, hor uamr iyo shaqaba usoo hoynaya, sida dalalka kale ee kireeyay dakadahoodaba uga macaasheen, in aad si la mida dawlada xamar ee Somaliland qaranimadeeda ogolayn uga hortimaadaan, siba xisbiga wadani, arrintaasi waa qaran jab, mucaarididi saxda ahaydna maha ee haku mucaaridina talaaboyinka horumarka ah ee qaranka usoo kordhay, xukumaduna ku talaabsatay, laakin waxa u shacabku idiinka fadhiyaa inaad ku mucaaridaan waxa dalka iyo dadkaba dhibta ku ah ee xukumadu ku talaabsato.
Ayagana intaas ban odhanlaha.

QOLYAHA MUCAARIDKA IYO MUXAAFIDKA AH (HAFAN HAAF(

Waxan qoyahas oo ah 50% mucarid,50% muxaafid, waxan leeyahay, ilmaderayaal, ha ku yooyotamine saxaafada, fariimaha foosha xun ee isu marisaana ka daaya, dalalka aad ka hadlaysaan, wa dalal aynu jaarnahay, lkn wa kala madaxbanaanahay, interest ama danahana waan ku kala duwanaan karna lkn ma jiro dal dal ku qasbi kara rabitaankiisa ka kale, markaa dalalka aynu jaarka nahay, xidhiidho wanaagsan aya inaga dhexeeya, danaha dalkeenana inaga u talina ayaguna kuwooda ayaga u taliya, walaalnimo iyo jaarnima inaga dhaxaysa, xidhiidho ganacsi kuwo dad kuwo degaan kuwo siyaasadeed kuwo nabadgelyo intuba wa inaga dhaxaysaaye, bal idinku lafihiina u kala badbaada, waxan waxba inoogu jirin ha isku halgaadine oo idinku ha isku aakhiro seegin.

Gebogabo, waxan ka raali galinaya cid kasta oo qonsata aragtidaydan, ama ay meel ka dhac , waxan cabiray uun aragtida shakhsiga ah.

CALI XASAN CAWAALE

Wabilaahi Tawfiiq

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.