“Madaxweynaha I Yidhi ‘Ha U Mareexaamayn Wasiirka,” Prof Cabdi Cali

0
1,058 views

“Madaxweynaha I Yidhi ‘Ha U Mareexaamayn Wasiirka,” Prof Cabdi Cali

Hargeysa(Sayruuq) Prof Cabdi Cali Jaamac agaasimihii guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo shalay is casilay ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta kalliftay iscasilaaddiisa waxaanu ku sheegay muran u dhexeeya isaga iyo wasiirka Qorshaynta oo uu tilmaamay in aanu madaxweyne Biixi si caddaalad ah uga gar naqin. Erayga madaxweynuhu adeegsaday ayaa u muuqda in uu u jeedo dhaqan jiray xilligii Siyaad Barre oo ku saabsan in masuuliyiinta ay madaxweynaha isku reerka yihiin madaxda kale ku amar ku taaglayn jirtay.

Prof Cabdi Cali ayaa shalay galinkii dambe boggiisa facebook ku qoray farriin gaaban oo xambaarsan in uu iscasilay laakiin, dad badan oo waydiiyay sababta awgeed ayuu saaka tafaasiil ka bixiyay arrintan waxaanu u dhigna qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook sidan soo socota.

Faahfaahin Kooban: Iscasilaad.

Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.

Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:

Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.

Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.

Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!

Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariyo!!!

Masuul Iska Casilay Xukumadda Madaxweyne Biixi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here