Madaxweynaha Ereteriya Oo Bookhanaya Gobolka Axmaarada

0
432 views
Madaxweynaha Ereteriya Oo Bookhanaya Gobolka Axmaarada
Hoggaamiyeyaasha Ereteriya iyo Itoobiya

Madaxweynaha Ereteriya Oo Bookhanaya Gobolka Axmaarada
Asmara(Sayruuq) Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afeworki ayaa bookhanaya dawlad degaanka Axmaarada ee Itoobiya sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee ismaamulka Axmaraada Nigusu Tilahun.
Waxa kale oo uu sheegay in wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka ee Axmaaradu si degdeg ah ugu socdaali doono caasimadda Ereteriya ee Asmara.
Wefti sare oo ka socda kilalka Axmaarada ayaa todobaadkan bookhday dalka Ereteriya waxaanay halkaas heshiis kula galeen dhaqdhaaqa mucaaradka ah ee Axmaarada oo lagu heshiiyay in ay gudaha Itoobiya kaga sii wadaan dhaqaqaaqooda si nabad ah.
Xidhiidhka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa dhawaan fiicnaaday waxayna u muuqata in hadda la wanaajinayo xidhiidhka gobolka Ereteriya la deriska ah ee Axmaarada iyo Ereteriya.
Source: Fana

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.