Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xadhiga Ka Jaray Ceelal Biyood Uu ka Hirgalayay Deegaanka Gaashaamo.

0
87 views

Gaashaamo(Sayruuq)-Wafti balaadhan oo uu horkacayo Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay dagmadda Gaashaamo ee bariga Itoobiya ,waxaanu Madaxweynuhu halkaas xadhiga ka jaray Ceelal biyood laga hirgaliyey deegaamadda hoosyimaada dagmadda Gaashaamo , halka kuwa kalana uu dhagax dhigay madaxweynuhu .

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya iyo waftigiisa ayaa waxaa Gaashaamo ku soo dhaweeyay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo horkacayay bulshada deegaankaasi islamarkaana kulamo la qaatay waftiga .

Waftigan Uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa booqday sidoo kale deegano ay ka mid yihiin Xaaji Diiriiye iyo kuwo kalo oo hoos yimaada deegaanadda Gaashaamo .Madaxweynaha ayaa horaantii sannadkan kolkii abaarta ba`ani ku habsatay deegaamada kililka shanaad ee Itoobiya gaar ahaan deegaamadda ku teedsan xuduudka Somaliland sida gaashaamo  gaadhsiiyey gurmad kala duwan oo iskugu jira baad ,biyo,  raashin iyo dawooyin sidoo kalena waxa uu waqtigaas dhagax dhigay ceelal biyood kuwaaso hada xadhiga ka jaray .

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si weyn ugu mahad naqay sudlaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani isagoo ku amaanay kaalinta weyn ee uu ka qaatay nabadeynta iyo horumarinta deegaankaasi .

 

Hargeysa-Office

Sayruuq.com

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.