Madaxweynaha Cusub Ee Gobolka Soomaalida Oo Ka Hadlay Mucaaradad Lagala Hor Yimid

0
288 views
“Kor Baanu U Haynayna Soomaalinimada,” Madaxweyne Cagjar

Madaxweynaha Cusub Ee Gobolka Soomaalida Oo Ka Hadlay Mucaaradad Lagala Hor Yimid
Jigjiga(Sayruuq) Madaxweynaha dhawaan la doortay ee gobolka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in uu ogol yahay dadka mucaaradaya in ay xajiimeeyaan haddii uu qancin kari waayo. Waxa kale oo difaacay Qurbejoogta xilalka qabatay ama dib u soo laabanaysa.

Qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook ayaa muujinaya in uu wajahayo dad durba doorashadiisa iyo nidaamkiisa dawliga ah ka soo horjeeda “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, caraatamaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo u muuqda in uu nidaamkii hore ee cabudhinta ku salaysna durayo.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waan ku dadaalaynaa inaan qancino dadkoo dhan laakiin cidaan qancin kari wayno layn mayno, xidhinna maynee waan ogolaanaynaa inay na xagxagato..Khayr bay noqon.”

Qoraal kale oo uu boggiisa ku baahiyay ayuu ku difaacay Qurbejoogta “Qurbajoogtu ma MARS ayay ka yimaadeen? Sow dadkii la dulmiyay ee dalka ka cararay Maaha? Midda kale qurbajoogtii aad arki jirteen maaha kuwa hadda la magacaabay. Waa halgamayaal iyo aqoonyahan soo kordhinaya cilmi iyo xadaarad.”

Sida ay idaacadda BBC-du qortay waxa magaalada Jigjiga ka socda shirar kala duwan oo beelaha degaanku ku raadinayaan sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen xukumadda cusub ee dhismaysa.

Sidoo kale waxa baraha bulshada laga dareemaya saluug bulshadu ka qabto saami qaybsiga xilal dhanka ammaanka ah iyo masuuliyiin kale oo madaxweynuhu magacaabay iyada oo aanay meesha ka maqnayn saluugga qurbejoogta taageersan nidaamka cusub.

Madaxweyne Cagjar oo tobaneeyo sanno dalka ka maqna waxa la rumaysan yahay in uu wax badan degaanka ka fahansan yahay maaddaama uu hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ka shaqaynayay laakiin, lama oga sida uu wax uga yaqaan nidaamka siyaasiga ah ee saami qaybsiga beelaha.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.