madaxwayne is-muuji, shacabkii is cadeeye.

0
152 views
Madaxweyne Biixi oo Magacaabis Sameeyay.

madaxwayne is-muuji, shacabkii is cadeeye.

madaxwaynihii labaad ee somaliland maxamed xaaji ibraahim cigaal alle haw naxariistee ayaa laga hayay SHACABKA REER SOMALILAND WAA GOB E WAXA WAALAYA SIYAASIYIIN DANTOODA EEGANAYA.

waxaan uga socdaa, madaxwayne muuse biixi safarkii uu bariga ama bulsho waynta reer somaliland ee gobolada bariga ku dhex marayay kumuu arag: Kala qaybsanaan, Isnacayb iyo Iscolaadin dhexdooda ah, balse waxa uu ku soo arkay: Bulsho midaysan, is-jecel, oo Iskuduuban, oo dalkooda jecel, dawladnimadoodana ilaashanaya, madaxwaynahoodana ixtiraam, kalgacal iyo qadarin fara-badan u haya.

hadaba waxaan leeyahay; madaxwayne, waa doorkaagii, waa xiligii aad adna ka bixi lahayd LOCAL-NIMADA lagugu xamanayay, waa xiligii aad bulshada u muujin-lahayd in aad dhex u tahay oo aanad kala jeclayn, waa xiligii aad bulshada u cadayn lahayd in aad horumarkooda ka shaqaynaysid oo aad danta guud ka hormarinayso marwalba ta gaar ka ah.

madaxwayne waxaa la gaadhay xiligii dawlad tayo leh, oo loo dhanyahay aad soo dhisi lahayd, madaxwayne waa xiligii aad kalsoonida bulshada kasban lahayd.

madaxwayne talaabada aad qaado hadda, waxay kala cadaynaysaa in aad madaxwayne dadka udhexeeya tahay iyo in aad local tahay, waxay cadaynaysaa in aad dalka horumarkiisa iyo midnimada shacabka ka shaqaynaysid iyo isku duubnimadooda, iyo in aanad Dan’ba ka lahayd dalka iyo dadkaba.

ugu dambayn madaxwayne dadku waa gob e, adigu ha gumoobin.

Abdirazik Dallo

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.