Madaxwaynaha Kililka Shanaad Oo Baaq Diray.

0
428 views
Xisbiga Ka Arrimiya DDSI Oo Jigjiga Isku Shubay & Xaaladda Jigjiga

Madaxwaynaha Kililka Shanaad Oo Baaq Diray.

Adisababa(qSayruuq)-Madaxwaynaha DDSI Md. Axmed Cabdi Maxamed ayaa guud ahaanba shacabwaynaha DDSI qaranjoog iyo qurbajoogba ugu baaqay in si wada jir ah looga shaqeeyo nabada, midnimada iyo xasiloonida deegaanka islamarkaana laga qayb qaato guud ahaan horumarka dhinacyada badan ee kasocda dalka gaar ahaan deegaankeena.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray ehelada iyo qaraabada dadkii kudhintay iyo waliba dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii foosha xumayd ee kadhacday xarunta DDSI islamarkaana ay xukuumada DDSI iyo shacabkuba aad ugu xun yihiin. Wuxuuna carabka kudhuftay in shacabwaynihii deegaaanka kunoolaa ee kakoobnaa qoomiyadaha kaladuwan ee dalka ee ay dhibaatadii foosha xumayd saamaysay naf iyo maalba ay xukuumada DDSI, xukuumada federaalka iyo waliba shacabka DDSI ay si wada jir ah diyaar ula yihiin taageero hiil iyo hooba leh.

Sidookale, madaxwaynaha ayaa xusay in ka deegaan ahaan xukuumad iyo shacaba ay soo dhawaynayaan islamarkaana ay qaateen qorshaha iyo istraatijiyadaha cusub ee RW dalka Dr Abiyi Ahmed ee kusalaysan isjacaylka, iscafiska, midnimida iyo dimuqraadiyada.

Ugudanbayna, Madaxwaynha ayaa ku nuux nuuxsaday in lasaxi doono dhamaan wixii khalad ah ee dhacay isagoo shaagay in deegaanku uu san dib ugu noqonaynin isqabqabsi iyo nabadgalyo la aanti laga soo gudbay 10 sano kahor islamarkaana ay xukuumadu qaban doonto shirwaynayaal loo dhan yahay oo ay kasooqaybgali doonaan muxaafad iyo mucaaradba qurbajoog iyo qaranjoogba islamarkaana lagaga wada tashan doono danaha shacabwaynaha DDSI iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa kashaqaynta nabadgalyada, horumarka, iyo maamulka suuban ee deegaankeena.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.