Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliya Oo Sucuudiga Kala Hadlay Saldhiga Berbera Somaliland Ka Siinayso Imaaraadka.

0
107 views

Riyad(Sayruuq)-Wargeyska Riyadh Post ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa saaka daabacay in Dowladda Somaliya ay codsi u gudbisay ku saabsan in Sacuudiga dhex dhexaadiyo Somaliya iyo Imaaraadka arrinta saldhigga Berbera.

Sarkaal ka tirsanaa Wafddiga Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Riyadh Post in Dowladda Somaliya ay Sacuudiga weydiisatay  in Dolwadda Sacuudiga dhex dhexaadiso Imaaraadka iyo Somaliya si aysan Imaaraadka u dhameystirin Saldhigga Berbera ee Gobolka Saaxil.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday madaxda dalka Sacuudiga in ay dhex dhexaadiyaan Somaliya iyo Imaaraadka iyada oo Dowlladda Somaliya aysan oggoleyn Saldhigga Imaaraadka ka dhisanayo Berbera.

Baarlamaanka Somaliland ayaa dhawaan meel mariyay heshiis dhexmaray Imaraadka iyo Somaliland oo Saldhig Milatari Imaaraadka ku yeelaneyso Berbera,waxaana arrintaas ka biyadiiday Dowladda Somaliya .

Sacuudiga waxaa uu hoggaamiyaa Isbaheysiga ugu weyn dunida Muslimka ee ay ku mideysan yihiin Waddamada Muslimiinta ah kuwaas oo hadda howlgal ka wada dalka Yemen.

Somaliya waxaa ay Madaxda Sacuudiga ka codsatay  in Sacuudiga Imaaraadka u sheego in uusan saldhiggaas dhisan si loo ilaaliyo midnimada Isbaheysiga Waddamada Islaamka ee uu Sucuudiga hoggaamiyo.

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.