Madaxtooyada Somaliland Oo Lagu Qaabilay Wefti Ka Socda Jamhuuriyadda Aqoonsi Raadiska Ah Ee Liberland

0
112 views

Hargeysa(Sayruuq)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland dr. Sacad Cali Shire, wasiirru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibada Maxamed Mixile Boqore, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Jamhuuriyadda Liberland oo dalka Somaliland booqasho ku yimi.

Xubnaha Wafigan oo ay kamid ahaayeen Dr. Tariq Abbasi oo ah Madaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalkaasi iyo Xuseen Asad oo isagu ah Muwaadin Somalilander ah oo hogaaminayey Waftiga ka socda Liberland ayaa sharaxaad ka bixiyey Socdaalkooda, waxaan ay sheegeen inay ka socdaan Jamhuuriyadda Liberland oo ku taalada qaarada Yurub islamarkaana ah Dal aan wali la aqoonsan oo imika baadi goob ugu jira Aqoonsigooda doonayaana inay ka mid noqdaan beesha Caalamka.

sidoo kale waxay Madaxweyne ku xigeenka usoo bandhigeen inay doonayaan Iskaashi wada jir ah oo ay ku raadinayaan Ictiraafka labada wadan, dhanka kale waxay ka mahad celiyeen soo dhaweynta loo sameeyey hanaanka loo maamuusay, ugu danbayntiina waxay xuseen inay doonayaan inay dalka ka fuliyaan Mashaariic horumarineed .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa weftiga u sharraxay Taariikhda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland mudaddii ay jirtay iyo Marxaladihii kala duwana ee uu soo maray Dalku, waxa uu xusay inay Somaliland tahay Waddan Xasiloon oo ay ka hana qaaday nabadgelyo buuxda iyo Dawladnimo taam ah islamarkaan aan wali Beesha Caalamka ka helin aqoonsi buuxa walow ay Somamliland buuxisay Shuruudihii Aqoonsi waddan looga baahnaa balse ay ku jiraan dedaalkeeda isla mar ahaantaana ay rajaynayaan in maalin uun la aqoonsan doono, Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhaweeyey Iskaashiga wada jirka ah ee lagu raadinayo Aqoonsi Caalami ah oo ay labada waddan ka helaan Adduunyada.

Ugu Danbayntiina, waxa laysla qaatay in layska kaashado hanaanka horumarka iyo raadinta Ictiraaf Caalami ah oo ay helaan Labada Waddan si ay uga mid noqdaan Dalalka Adduunyada.

Liberland waa waddan yar oo ku fadhiya dhul dhan 7km2 una dhexeeya waddamada Croatia iyo Serbia, islamarkaana aan aqoonsi ka helin waddamada caalamka.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.